Somaliland Oo Dheg Qaad Ah Laga Waayey + Ganacsatadii Qaadka Keeni Jirtay Oo Dhegta Dhiiga Loo Daray + Meheradihii Oromada Ee Hargeysa Oo Al-baabada Loo Laabay Iyo Xaalada Loogu God Tiriyey

0
5487

Guud ahaan Somaliland waxa istaagay kala iibsiga geedka loo Yaqaan Qaadka oo ka iman jiray Wadanka Itoobiya Somaliduna kaalinta1aad kaga jirto dadka ugu Qaad cunka badan dunida suuqa ugu wayn ee Qaadka itoobiyana uu ahaa Somaliland maalintiina gaadiid tiro badan oo xiinsan geedkaasi ay dhinaca Galbeed ka soo gali jireen Somaliland waxaana dalka Itoobiya geedkan uga soo xarooda dhaqaale badan oo ay ka hesho dadka Somaliland.

Qowmiyada Oromadu waxa ay falal beegsi ah kurka kaga jartay ganacsatadii Somaliland ee qaadka ka keeni jiray Itoobiya oo maqsinadoodii loogu galay waxaana dadka ugu badan ay ka soo jeedeen Borama iyo Hargeysa iyada oo tirade dhimashadu ay kor u dhaaftay 32 qof oo reer Somaliland ah inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin inta qof ee gooryootay marba marka ka danbaysana tiarada dhimashadu ay sii kordhayso.

Arintaasi waxa ay sababtay in gabi ahaanba Qaadkii Somaliland iman jiray uu istaago waxaana shalay la kala iibsanayey Qaadkii hadhaaga ahaa ee Doraad Baarixiga noqday rubaca qaadkana waxa la siinayey 150,000 Shiling Somaliland oo ah halkii ugu saray ee qiimaha qaadku gaadho.

Ganacsatada iibisa Qaadka ee Hargeysa dhexdeeda ku sugan ayaa cod saday in Qaadka lagaga joojiyo mar hadii lacagtii ay soo saari jireen loogu bedelay in la garwaco oo Maydkooda la aasi kari waayo waxa ay markii ugu horaysay dalbadeen in xukuumadu arintan wax ka qabato hadii kale ay dalka iskaga bixi doonaan waxaana uu yidhi mid ka mid ah raga Qaadka Hargeysa ku iibiyaa. “Waxaan ku baaqayaa inaga oo maanta lacagteenii ina soo garaacday oo karbaashtay oo ragii maanta Kurka laga jaray inay dawladu si deg deg ah wax uga qabato oo ay ka hadasho Somaliland ha inaga joogo ayaan leeyahay suuqii xaga kale ayuu ka rogay Itoobiya dollerkii iyo lacagtii aynu sharci darada fadhiga ugu gaynaynay in kurka laga guro ragii ayey noqotay Dawladu haday arinkan wax ka qaban waydo anaguna halkaas ayaanu ka baxaynaa oo dalka waanu iskaga tagi.” Ayuu yidhi mid ka mid ah raga Qaadka ka ganacsada.

Ma jirto Qaraar iyo hadal ka soo baxay xukuumada Somaliland sidoo kale lama garan karo in maanta sidii caadiga ahayd Qaadka loo keeni doono Dalka iyada oo uu wali wadhan yahay maydka dadka Somaliland u dhashay ee Qawmiyada Oromadu Kurka ka kurtay waxaana dadka iibiya ama cuna Qaadku ay doorbidayaan in la hakiyo keenista Qaadka si shacabku qiimo u yeesho.

Sidoo kale waxa al-baabada loo xidhay oo aan la furin goobihii ama meheradihii ay ku ganacsan jireen dadka Oromada ah ama Itoobiya u dhashay iyaga oo ka war haya ficilka dadkoodu ku keceen iyo Geeriada Somaliland u taala sidaa darteedna la waayey hal meherad oo furan isla markaana ay leeyihiin dadka Itoobiyaanka ah ee dalka ku ganacsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here