BURCO: Xisbiga WADDANI Oo Isku Haysta Guddii Kaambaynka Gobolka Togdheer Iyo Hanankii Loo Xulilahaa Oo laba Garab U Kala jabiyey Hogaanka WADDANI

0
855

Xisbiga WADDANI oo soo wajahdey xaalad cakiran oo ku noqotay laba daran mid dooro waxaana hogaanka xisbiga WADDANI oo shirar doceedyo ku jira Hotel RAMAD ee magaalada burco ay madaxa iskula jiraan isla markaana isku maandhaafsan yihiin awood qaysiga guddiidii kaambaynka gobolka togdheer waxaana khilaaf gacan ka hadal sababay dhex maray madaxda xisbiga eek u jirta shirka Murashaxa WADDANI iyo Hogaamiyaha xisbiga oo ay wehelinayaan saraakiil xisbiga ka mid ahi ayaa isku diidan habkii loomagacaabi lahaa guddida kaambaynka ee xisbiga waddani ku yeelanayo magaalada burco waxaana garabyo aniga ii door iyo aniga igu dar ah isku hor fadhiyaan Hotel RAMAD ee burco kuwaas oo ay ku adkaatay garnaqa inay maareeyaan gudida ololaha gobolka toghdeer.

Garabyo mid waliba dhankiisa awood isbidayo iyo yaan adiga tallada lagaa badin ah ayaa ku kala bixila xubnihii ay u cugan lahaayeen inay ka shaqeeyaan hawsha culus ee kaambaynka doorashada ay ku doonayaan inay madaxtooyada ku fuulaan waxaana muuq iyo sawaxan aan kala go,lahayni hadheeyeen goobta shirku ka socdo gudidan la doonayo in lamagacaabo oo ka kooban 22 xubnood oo leh guddoomiye kaambayn oo ay iyagu dhexdooda ka dooranayaan balse labada garab mid waliba dhankiisa wato xubin u carbisan oo u qoondeystay inay majaraha u qabto xulufada kaambaynka ayaa mid waliba dhankiisa soo diyaarsadey xulufo u daacad ah oo ka samatabixisa kulaylka siyaasadeed ee soo wajahay ee hadhicin markan waxaana 22 xubnood loo qoondeeyey in lagu soo xusho qaab- beelaysan waxaana xubnahaas kala badh wata oo darka ay u tuban yihiin hogaamiyaha xisbiga WADDANI xirsi cali xaaji xasan halka xulufada kale ay jeebka ku haystaan Murashaxa xisbiga waddani iyo nusdambeedkiisu oo wata xubno u daacada oo ay ku halayn karaan inay kala dabaashaan hawsha culus ee ka bilaabmaysa togdheer.

 Wararka aan helayno ayaa tibaaxaya in goobta uu ka dhacay ismariwaa xoogan oo garabyo ah isla markaana ay suure noqon weydey inay ku heshiiyaan inay wakhigaa magacaaban guddida kaambaynka gobolka togdheer hala wararku sheegay in beelaha qaar qawadeen xubnaha la siiyey oo ay ku cawdeen inuu ku yar yahay isla markaana u baahan yihiin in loo kordhiyo si ay dagaalka wajahada hore uga galaan oo lagu qancin kariwaayey in la siiyo tiradii markii hore qoondada ugu jirtay taasina ay ku noqotay adhax jab mar kale la soo darsa oo ilaa la damiyo dabkaa baxay aanay suure ahayn in la magacaabo iyo qoddob ka labada garab oo sii kala fogeeyey heshiis laga gaadho hanankii loo maamuli lahaa taasina sabab u noqotay in la kala kaco loono balamo wakhi kale oo ku haboon oo tabashada  dhinacyada iyo damacyada kooxaha kala mabda,ah mid walba dhankeeda xal loo raadiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here