Guddida horu marinta beelaha Gabooye ayaa si rasmiya u shaaciyey inay taageersan yihiin barnaamij siyaasadeedka uu soo bandhigay xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.
Guddidan oo ay weheliyaan waxgarad, aqoonyahano,siyaasiyiin iyo dhalinyaro oo war murtiyeed ay ka soo saareen magaalada Hargeysa waxa uu u dhignaa sidan
Anagoo Ah Waxgaradka, aqoonyahanka, Culumada, Siyaasiinta , Dhalinyarada Iyo Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye ee Somaliland, waxaanu halkan ka cadaynayaa anagoo codkayaga la garab taagnahay xisbiga kulmiye ugu horeeyo musharax madaxweynimo iyo kuxigeenkiisa Mudane Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic, iyadoo la ognyahay in beelwalba caddeysay mowqifkeeda, waxaanu taagero HiiL iyo Hooba la garab taaganahay
mawqifka cad ee ay gaadheeen salaadiinta , siyaasiinta ,dhalinyarada iyo waxgaradka beesha gabooye ee lama taabtaanka ah ee ku muujinyen taageerida xisbul xaakimka kulmiye ,
Hadaba, waxaanu taagero Hiil iyo Hooba la garab taaganahay musharax madaxweynimo iyo kuxigeenkiisa Mudane Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic, Waxaan Idin Leeyahay Aynu Marlabaad Ku Doorano Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Waxqabdkiisa Dalka, sidoo kale iyadoo aanu soo dhaweeynayno Barnaamijkiisa Siyaasadeedka Cusub Ee Xisbiga Kulmiye 2017-2022, oo aan isleenahay waxqbadka wanagsan baa noogu jira barnaamij siyaadeedka iyadoo uu caddeeyay waxyahaba ka maqan beelaha laga tirade badan yahay iyo kaalinta ay ka jiraan ka qayb galka siyaasada iyo golayaasha qaranka , waxaan leenahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye wax badan bay qabtay beelaha laga tirade badan yahay xisbulk xaakimka kulmiye mudadii madawexweyne Siilaanyo talada dalka hayay, inta kale ee naga dhiman waxaanu ka rajaynaynaa inay dhammaystiraan labada musharax Muuse biixi cabdi iyo cabdiraxmaa cabdilaahi saylic
Sidaas darteed, waxaanu leenahay shakhsiyaadka faro ku tirska taageersan xisbiga wadani waxaanu leenahay midho guntigu ku jira ,looma daadiyo mindho geed saraan, ee yaanu tareenku idinka tagin ee u hore u soo gaadha Xisbiga Midnimada Cadaalada Iyo Horumarka Xisbiga kulmiye
Waxa baaqan diraya Waxgaradka, aqoonyahanka, Culumada, Siyaasiinta , Dhalinyarada Iyo Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye, oo kala ah
Maxamed Cabdi Jamac Gudoomiyaha Gudida horumarinta Beelaha Gabooye
Ibraaahin Maxamed Ducaale – Gudoomiye Kuxgeenka Gudida Horumarinta beelaha gabooye
Aqoonyahan Xasan Maxamed Cabdi
Cabdiraxmaan Xasan Xuseen
Mustafe Caydiid Muuse
Mxamed Sheikh Axmed
Iid Muuse Maxamed
Diiriye Abdi Cabdilaahi
Yaasiin Cabdi Maxamed
Cabdisalaam Maxamed Muuse
Cali Muuse Mxamed
Farxaan Mahdi Axmed
Khaddar Suleeban Cige
Sheekh Khaddar Axmed Maxamed
Ganacsade Yusuf Khaddar Abdi
Cabdiqaadir Deeq Cabdilaahi
Hussein Mire Deeq
Xasan Mubaarik Muuse
Khaddar maxamed Muuse
Deeq Cabdilaahi Cabdi
Abdi Cabdilaah Axmed
Axmed Maxamed Jama
ALLAA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Beelaha Gabooye