Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya Mudane Maxamuud Cabdi Cumar ayaa si adag uga hadlay dadkii soomaalida ahaa ee lagu laayey haawadey kaas oo dusha uga saaray falkii halkaa ka dhacay qoomiyada OROMADA wuxuuna sheegay inay sharciga horkeeni doonan dadkii falkaa ku kacay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu hadlayey maanta 20 minut in badan, waxa uu ku dheeraaday dadka sida arxan darrada ah oromadu u xasuuqday goobta aasku ka dhacayey ayaanu ka hadlayey, waxa ka mid ahaa hadalladadiisii “Ku aarsan mayno gacan horumar ayeynu ku aarsanaynaa”
“Somali ninkaan ku dhaadanayn isaga oo naftu hayso oo sakaraad ah lacag ku soo iibsan mayno”
“Waxa la samaynayaa buundada isku xidhha dawlad deegaanka somalida itoobiya si aan loo marin meel dadka lagu dilayo oo mooyaale illaa jigjiga aan meelo kale looga soo wareegin’
‘waxaynu ku mashquulaynaa horumarka, waxaynu xadhiga ka soo jaraynayaa ceelasha biyaha ee birqod, gaashaamo iyo illaa dannood, tas ayeynu ku aarsanaynaa”
“Sharciga Itoobiya ayaan marti uga nahay in dadka waxaas sameeyey ee ceeboobay ee dadkii la joogay qashay ee googooyey sida khudaarta in sharciga la hor keeno, imikana waa la bilaabay qabashadooda dadkii waxaas aameeyey”
“waxaad ogaataan in dad oromo ahi qariyeen qaar somali ah oo ay badbaadiyeen, markaa waynu samraynaa oo waynu adkaysanaynaa dhib intan ka badan ayeynu soo marnay, qoomiyad qoomiyad in la isku dilo ma doonayno”
“Oromadu iyadaa ceebawday oo dadkii masaakiinta ahaa ee la joogay qashay, anaguna hadaanu somali nahay ku ceebaoobi mayno oo qalan mayno dadka nala jooga waanu dab baadinay gobanimana waanu ku qaadanay”