Wiilkii norwijiga ahaa ee dilay Jacquub iyo Tone Ilebekk oo lagu xukumay xabsi 11 sano ah

0
548

Maxkamadda gobolka Agder ee dalka Norway ayaa 11 sano oo xabsi ah waxa ay ku xukuntay wiilkii norwijiga ahaa ee sannadkii hore ku silay magaalada Kristiansand Jakob Abdullahi Hassan oo soomaali ahaa iyo Tone Ilebekk oo iyana aheyd hooyo norwiji ah oo damacday in ay kala dhiciso Jacquub iyo wiilka norwijiga.

Wiilka la xuukumay oo da`diisa lagu sheegay 16-kir ayaa waxaa uu tooray ku dilay Jacquub oo markaa ahaa 14 jir iyo hooyada Norwijiga ah kuwaas oo marka la isu geeyo uu mindiga geliyay tiro lixdan jeer ka badan.

Jacquub ayaa la sheegay in uu geliyay mindiga 28 jeer halka hooyada norwijiga ee kala dhexgali rabtay uu galiya 32 jeer.

Dhacdadan ayaa 5-tii bisha Desember ee sanadkii hore (2016) ka dhacday dhabarka dambe ee Wilds Minne skole ee magaalada Kristiansand, dambiilaha ayaana falka ka dib ka baxsaday goobta.

Mar uu maxkamadda ka hadlayay ayaa waxaa uu ka qoomameeyay dambiilaha dilka uu u geystay labada ruux kaas oo uu sheegay in uu saameyn ku reebay nolashiisa, waxaana uu intaa raaciyay in uu ka fekerayo, murugadana la qeybsanayo qaraabada ay ka tageen.

Maxkamadda ayaa u cuskatay wiilkan shaciga ka yaal dilka ay geystaan shakhsiyaadka ka yar da`da 16 sano, sidaas darteedka loogu xukumay 11 sano oo keliya oo ah kala bar inta lagu xukumo dadka waaweyn ee dilalka geyta.

Xukunka ugu dheer ee qof wax dilay lagu xukumo dalka Norway ayaa ah 21-sano oo xarig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here