BURCO: Xisbiga WADDANI Oo Laba Daran Mid Dooro Galay, Abiib Timacad Iyo Axmed Xamerji Oo Dagaal Gacan ka Hadal ahi Dhex Maray Iyo Shuruud Shirka Xidhay

0
1019

Masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee ku sugan magaalada burco ayaa labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa soo foodsaartay kala jab niyad jab ku riday  isla markaana qorshahoodii ka dhigay  hal bacaad lagu lisay ka mid muran ka dhex aloosan hogaanka xisbiga oo laba dhinac u fadhiya kaas oo sabab u noqdey in hoteeladii hurdada ee ay deganaayeen ku kala guureen khilaaf cakiran awgii,

 ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN ka helayo magaalada burco ayaa tibaaxaya in labada siyaasi ee isku ardaaga ah  siyaasi abiib timacad iyo siyaasi axmed cumar xamarji ay isku farasaareen shir ka socdey hotel RAMAD ee magaalada burco oo hoy u noqdey xisbiga WADDANI Kaas oo ay ku kala war iyo wacaal qaataan kana soo duulaan inta ay burco joogaan dagaalka oo ilaa shalay dhinacyo duul ahaa oo marba koox iska hor imanaysay kuwaas oo isku haysta qorshayaal xisbigu doonayo inuu kaga shiidaal qaato ololaha doorashada ee fooda inagu soo haysa .

waxaana ilaa shalay laysku mari lahay guddiyada kaambaynka oo burco lagu soo magacaabayo labadan siyaasi oo midba dhankiisa doonayo inuu dhinaca beesha uu ka soo jeedo ugu awood bato ayaa faraha isku saaray madal waddani yeysan waxaana dirqi ku kala gaadhay masuuliyiintii madasha fadhidey siyaasi xamarji ayaa ku dooday in aanu la sinayn abiibkii shalay yimi isla mar ahaantaana uga xaq iyo xuquuqba badan yahay ninkan shalay ku soo biiray barada waddani.

siyaasiyiintan ayaa durba isku noqdey laf dhuun gashay wuxuuna midba dhankiisa iska ilaalinayaa midka kale inuuna ka talaabo dheerayan.

kooxahan kala mabda ah ee cadhadu midaysay ayaa ah kuwo kala geediya oo midba naftiisa hayaan ugu jiro dhamaantoodnaba waxay koox waliba leedahay hogaamiye u gaar ah oo gacan yarayaal isaga u daacada oo dhisaya leh mid walibana dhankiisa wax u doonayo waana damaca lumiyey taageeriadii iyo dhawaaqii murashaxa waxaanay dhamaantood ilaaween in xisbigu murashax lee yahay waxaana meesha ka baxdey in xisbigu dhiso murrashaxa ay wataan ee cabdiraxmaan cirro taa badelkeedana ka door bidey inay iyagu is dhisaan.

dhawaaqyadan burco ka imanaya ayaa noqdey kuwo is baray shaqsiyaadka xisbiga ku jira iyo shaqsiyadooda waxaana soo baxdey shaqsi walba iyo shaqsiyadiisa khilaafkan xidigaha u baxay ayaa haddii u sii socdo curyaaminaya ololaha xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here