Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Khudbad Dhinacyo Baddan Taabanaysa U jeediyey Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacada Timaca-de.
Wasiir cali mareexaan oo ka hadlayey madasha dhalin yaradu ku qallin jabinaysay ayaa ugu horeen dareenkiisa farxadeed inuu kala soo qayb galo kula dareen noqdey wuxuuna ku dheeraadey amiyada ay u leedahay farxadani iyo in uu dhalinyarada ugula dabaal dego uguna hambalyeeyo sidoo kale wuxuu wasiirku carabka ku dhuftay ardeydana kula dar daarmay inay yeeshaan hamigii abwaanka loogu magac daray jaamacan oo uu hogo tusaaleeyey sifihii lagu yaqaanay Waxaanu Yidhi:
“Farxad weyn ayey ii tahay inaan maanta ka soo qayb galo xafladan qalin jabinta ah ee loo qabtay dufcadii shanaad ee ka soo baxday jaamacada Timaca-de”,
” waa arin aad u weyn waanan u hambalyeynayaa ardayda, macalimiinta, shaqaalaha jaamacada iyo intii la shaqaynaysayba, tacliintu waa waxyaalaha ugu waa weyn ee dawladani ku dedaalayso weeyaan ee qarankani u baahan yahay, waxyaabaha horumarkeena iyo horu socodkeena anafacaya weeyaan.”
“Jaamacadan magaceeda marka la arko waxa la xasuustaa Abwaan C/laahi Suldaan Timaca-de, wanaag, dadnimo, iyo akhlaaaq ku suntanaa, ardeydiina maanta halkan ka qalinjabinaysaa waa inaad yeelastaan astaamihii iyo higsigii Abwaanka Jaamacadu magaciisa sidato”.
Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cali Mareexaan oo ardeyda u sharxay in dalku dhawaan gali doono marxalado kala guur ah maadaama ay dhalka doorasho ku soo food leedahay wuxuu ardeyda usheegay inay kala gartaan ninka u raraya iyo ka aan ufureyn isla markaana codkooda ay ku doortaan ka mustaqbalkooda dhisaya,
wasiirku dhinaca kale wuxuu badka keenay hadalo iska hor imanaya oo ka soo yedhaya murrashaxa xisbiga WADDANI cabdiraxmaan cirro wuxuuna badka keenay siro dhabar jab ku ah damaca murashaxa waddani cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro kaas oo ula wadaagay ardeyda ka qalin jabinaysay jaamacadda timacadde ee gabilay.
“Maanta dalku wuxuu galayaa wakhti kala-guur oo doorasho dhacayso, idinkaana ka talinaya masiirkiina iyo mustaqbalkiina, maaha ninkii shalay waxa la fiicnaayeen itay ku qaloocatay oo dantiisa ka arki waayey inuu idinku danaysto, waa inaad kala ogaataan kalana garaataan, shalay iyo maantana daba sidaan”.
“Gudoomiyaha Waddani shalay wuxuu dhaleecaynayey shirkadda DP WORLD, shalay wuxuu ahaa Gudoomiyihii Baarlamanka, waxaaana maalgashigaa laga ansixiyey Baarlamanka isagaana gudoominayey maalintii la ansixinayey oo fadhigii gudoomiyey, todobaad kadib wuxuu kula kulmay Magaaladda Dubai ninka ugu sareeya Shirkadda Dubai, wuu ogolaa shalay maanta banaanka ayuu kasoo caayayaa, kala duwanaanshahaa iyo hadaladaa isburinaya kuwa loo baahanyahay inay kala gartaan waa idinka”.