“Annaga Ayaa Dalka U Dawlad Ah, Qof Saxar Qaadi Karaana Ma Jiro Ee Qofkii Helayaa Ha Helo Kursiga…Abiib Iyo Nooca Fidmada Wadana Dalka Waanu ka…………….……” Xukuumadda Somaliland

0
519

Xukuumadda Somaliland, ayaa digniin u dirtay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Fagaareyaasha Dalka ka sheega in Dalka uu Dagaal ka dhici karo haddii uu Doorashada Madaxtooyada ee Sannadkan dhacaysa uu ku guuleysto Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE.

Wasiir ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Jaamac Cabdillaahi Biin oo Saxaafadda la hadlay Doraad, ayaa isagoo daba-socda hadallo uu tilmaamay in Siyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timo) oo ka mid ah WADDANI uu ku sheegay in Somaliland Dagaal ka dhici karo haddii Doorashada Madaxtooyada uu ku guuleysto Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in laga wanaagsan yahay in Shacabka Cod lagaga raadsado hadallada Caynkaas ah, laakiin hadday sii socdaan ay Tallaabo ka qaadi doonaan Abiib Timo-cad iyo Shaqsiyaadka la aragtida ah.

Jaamac Cabdillaahi Biin oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan la hadlayaa Abiib Timo-cad,  oo lahaa Dagaal baa dhacaya haddii Muuse Biixi qabsado Dalka, erayada caynkaas ahi ma wanaag-baa, ma ololaa, ma Mucaaradad-baa, Miyaanay Dal dumin ahayn?, waa Dagaal bilaaba haddaan Anigu waayo.”

Wasiir Biin wuxuu Siyaasiga Abiib Timo-cad u soo jeediyey inaanu ku ololayn hadallo aan run ahayn oo ad-adag isla-markaana aanu dafirin waxqabadka Xukuumadda ee uu sheego wuxuu Xisbigoodu soo kordhinayo hadday Doorashada ku guuleystaan “Waxaan leeyahay Madax badan oo Xisbiga WADDANI ahiba waxay yidhaahdaan wixii Xukuumaddu qabatay ayaanu wax ku daraynaa, markaa waxaan Abiib Timo-cad leeyahay haku gelin (Ololaha) Qarafaa-dhug, Qar-jajac iyo Dagaal, ee wanaag ku gal, Sharaf ku gal, Xaqiiq ku gal oo Run ku gal (Ololaha)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Dawladdu ay Tallaabo ka qaadi doonto Dad uu ku sheegay Fidmo-wadeyaal, kuwaasi oo uu xusay in Abiib Timo-cadna ka mid yahay “Abiib iyo nooca Xummaanta iyo Fidmada wada Dalka waanu ka qabanaynaa. Dalka Annaga ayaa u Dawlad ah, Anigaa Wasiir ku-xigeenkii Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ah, Amnigii baa jira, Milletarigii baa jira, Ciidammadii Asluubtaa jira, Ciidammadii Baddaa jira, Cir iyo Dhulba Qof Saxar qaadi karaa ma jiro ee Qofkii helayaa ha helo Kursiga.”

Wasiir ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland wuxuu sheegay in aanay wax dhibaato ahi ka dhacaynin Doorashada Madaxtooyada ee haddii Alle yidhaahdo Somaliland ka dhacaysa 13-ka Bisha November, 2017-ka “Laba Qofna is dili maayaan, Dadkuna maaha Dadkii Shalay la badowsan jiray, Dadku waxay doonayaan Biyaha, Laydhka, Waxbarashada, Cilmiga iyo Horumarka. Markaa ILAAHAY waxaanu ka baryaynaa inay Nabad-qab iyo wanaag (inoogu dhacdo Doorashadu), Nacas ku waashana inaanu ILAAHAY keenin, Waayo? Nacaska wax waayaa wuu waashaa.”

Siyaasiga Abiib Timo-cad oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland oo ay ku jirto Xukuumadda hadda Talada Dalka haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxaanu fagaareyaasha eedaymo laf-jab ah uga jeediyaa Xukuumadda iyo Madaxda Xisbiga KULMIYE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here