Wasaaradda Caddaaladda oo Abaalmarinno Guddoonsiisay Maxaabiis Baratay Quraanka iyo Culuumta Diiniga.

0
500

Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa Ciidanka Asluubta, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo muwaadiniin hawlaha mutadawacnimada ka shaqeeya, ayaa abaalmarinno guddoonsiisay 145 maxbuus oo xabsiga Hargeysa ku dhex barta Quraanka Kariimka ah iyo culuumta kale ee diiniga ah.

Xafladda abaalmarintan dhiirigelinta ah lagu guddoonsiiyey maxaabiista mutaysatay oo ka dhacday Xabsiga Dhexdeiisa waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, Wasiirka Diinta iyo Awqaafka Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Ibraahim Cismaan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare, ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo maxaabiis heer ka gaadhay barashada culuumta diiniga ah, waxaannu u mahadnaqay macallimiinta ku tabacday iyo ciidanka xabsiga oo u fududeeyey maxaabiista in ay aqoontan bartaan.

Md. Axmed Faarax Cadare, waxa kale oo uu sheegay in xabsiga Hargeysa ay ka socoto waxbarasho maadi ah iyo ta farsamada gacanta oo maxaabiis badan wax lagu baro, waxaannu xusay in mustaqbalka la doonaayo in xabsiyada dalku noqdaan goob wax-soo-saar iyo dhaqan-celineed.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa tilmaamay in wax la barto ay ugu horrayso diinta islaamka, maxaabiistana ay ahmiyad gaar ah u leedahay in la baro culuumta diiniga ah si ay ugu xasilaan, ugana waantoobaan dhaqannadii iyo dambiyadii dartood xabsiga loo keenay, waxaannu ku boorriyey maxaabiista in ay halkaas ka sii wadaan barashada tacliinta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Ibraahim Cismaan, ayaa sheegay in ay isaga sharaf u tahay in maxaabiis tiradaas dhan ay wax ku dhex bartaan xabsiga, si gaar ahna ay guul ugu tahay Taliyaha Xabsiga Hargeysa iyo hawlwadeennada la shaqeeya.

Agaasimaha Guud ee W. Waxbarashada Axmed Abokor, ayaa tilmaamay in tacliintu ahmiyad u leedahay aadamaha, waxaannu ballanqaaday in Wasaaradda Waxbarashado door muhiim ah ka qaadan doonto waxbarista maxaabiista dalka.

Taliyaha Xabsiga Hargeysa Gashaanle Sare Xuseen Cabdillaahi Ducaale, ayaa sheegay in ay jiraan maxaabiis aqoonyahan u badan oo u baahan in ay tacliin sare helaan, waxaannu Wasaaradda Waxbarashada ka codsaday in ay da’ yarta xabsiyada ku jirta loo fududeeyo sidii ay imtixaannaadka shahaadiga ah u geli lahaayeen.

Sidoo kal,e waxa goobta ka hadlay mid ka mid ah maxaabiista wax baratay oo sheegay in culuumta kala duwan ee diiniga ah la baray si fiicana ay wax u barteen, waxaannu masuuliyiinta bahda caddaaladda hoggaamisa ka codsaday in il gaar ah lagu eego maxaabiista waxbaratay oo abaalmarin looga dhigo in cafis la siiyo amma muddada xabsiga laga dhimo.

Ugu dambayn maxaabiistaas waxa abaalmarin looga dhigay dhar, timir iyo kutub quraan ah si ay tacliintooda ugu sii dhiiradaan.

Maaha markii u horraysay ee Xabsiga Hargeysa ay maxaabiis culuumta diiniga ah barato. Bishii December ee 2016 waxa qorista luuqada Carabiga iyo barashada Quraanka ka qallin-jebiyey 86 maxbuus oo abaalmarinno kala duwan la guddoonsiiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here