Wasiirka Warfaafinta Oo ka Dhawaajiyey In Warbaahinta Dawladu Dhex U Ahaanayso Xisbiyada iyo Qorshe Ay Ololaha Ku Hagi Doonan

0
449

Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Cadaani) ayaa shaaciyey in warbaahinta dawladu ay noqonayso mid u siman sadexda xisbi ee ku tartamaya doorashada madaxtooyada.

Wasiir Cadaani ayaa sheegay inaanay xisbiyada mucaaridka ah marna u diidin warbaahinta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Mucaaridka marna cidi uma diidin warbaahinta dawlada , haday Radio Hargeysa tahay iyo haday TV-ga qaranka tahayba, iyaga ayaa naga maarmay sidaa hore u sheegay, maantana weriyayaasha oo dhan ayaanu la shiraynay inan ayaa sheegtay in iyada oo ka tirsan Radio Hargeysa loo diiday inay ka qayb gasho shirarka xisbiyada, Xukun Saleebaan Jirde waxa uu sheegay in la jidh dilay oo kamaradiina  laga jajabiyey, markaa xisbiyada ayaa diiday.”ayuu yidhi wasiir Cadaani oo u waramay Samalicable tv.

Wasiir Cadaani oo ka haldaya qorshaha uga yaala ololaha doorashada ee sadexda xisbi ayaa waxa uu yidhi “Anaga waxa nagu waajib ah marka uu ololaha doorashadu bilaabmo inaanu sadexda xisbiba si isku mid ah wax uga siino TV-ga qaranka, Radio Hargeysa iyo wargeyska Dawan, qodobka aanu ka hadlaynaa waxa weeyaan barnaamijyadooda  iyo wararkooda si ayaanu u wada baahinaynaa, haday xog na siinayaana diyaar ayaanu u nahay.”

Sidoo kale wasiir cadaani ayaa ka hadlay qorshaha uga yaala mudada ka dambaysa ololaha doorashada waxaanu yidhi “Mudadaas ololaha wixii ka dambeeye wasaaradan dawlada ayaa leh, madaxweynuhuna waxa uu ku jiraa labadii bilood ee ugu dambeeyey taladiisa, qorshuhuna waxa uu yahay inaanu sadexda xisbina u xaqsoorno, madaxweynaha iyo wixii uu umada u qabtayna aanu halkii ka wadno kana sheekayno, anagana waxa nagu waajib ah inaanu xisbiyada u diyaarino weriyayaal khibrad leh, iyagana waxa laga doonayaa inay weriyayaasha soo dhaweeyaan oo ay siiyaan wixii ay xaq u leeyihiin, wax dhib ahna aan marna loo gaysan, waana mid daruuri ah oo xaq ah oo wadanka layskugu leeyahay, waxaanan rabnaa inay ku iimaan qabaan xisbiyada mucaaridka ahi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here