“Beesha Bariga Burcoow Fasax Ayaad Naga Tihiin Ilaa Inta Aanu Idiin Keenayno Hogaamiye Adag…” Siyaasi Xamarje Oo Sarbeeb Ku Saqiiray Rajo Waddani Ka Lahaa Bariga Burco

0
546

Siyaasi Axmed Cumar Cabdilaahi Xamarje oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Waddani xil xoghaye-na ka haya xisbiga Mucaaradeedka Waddani ayaa goob fagaare ah ka sheegay in aanay u baahnayn codka Beelaha Bariga Burco oo ay ka maarmeen isaga oo ku hadlayey afka masuuliyiinta Suber Awal ee xisbiga Waddani isaga oo hadalka u dhigaya In markii hore ay aamin sanaayeen in codka Bariga Burco codka maro ugu soo gurayaan.

Axmed Xamarje hadal macnihiisa la fahmin waxa uu ku sheegay inta ay keenayaan hogaamiye adag oo umada isku wadi kara in ay fasax ka yihiin beesha Bariga Burco oo aanay wakhti iskaga lumin isla markaana aanay u baahnayn codka Beesha uu Madaxweyne Siilaanyo ka so jeedo.

Madasha hadalka Xamarje kaga dhawaaqayey waxa u sacabo tumayey hogaanka iyo haldoorka xisbi mucaaradeedka Waddani waxaana madasha ka dareeray dad badan oo hadalkani ku socday halka qaybo ka mid ahi shacabku ay dhabanka gacanta saareen waxaana ugu horayn isaga oo arinta ka hadlayaa uu yidhi. “horta anigu waxaan ahaan jiray nin Gobolka Togdheer ahoo Togdheer waxaan ku aqaanaa hadii ilaa Ingiriiskii taariikhdeeda dib loo raaco waligeedba Maxmiyad ma noqoto Sidaas uunbaa loogu sheekaysanayaa reerkii Bariga Burco sidaas uunbay codka noogu soo gurayaan waraaqo codkaanu ka tirsanaynaa nimanku malaha niman xadhig lagu xidh xidho maaha horta markhaati ayaad ii furteen dadkii aad ahaydeen ayaad ii sheegteen.”

Sidoo kale Axmed Cabdilaahi Xamarje oo ku dhawaaqaya inta ay keen sanayaan Hogaamiye umada isku wadi kara oo uu tusaale u soo qaatay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal codka beesha Bariga Burcana ku fasaxay waxa uu yidhi. “anaga xagayaga cid ala cidii na sugaysaay shalaybaanu sheegnay anigu anoo ku hadlaya magaca masuuliyiinta Suber Awal ee xisbiga Waddani kol hadaanaan idiinla imanayn nin Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kale ah dadku isku wadi kara oo aanu ku halayn karno inta uu wakhtigu qof na siinayo anaga ha noo xidh xidh naanina hadaanu nahay Masuuliyiintaas fasax ayaad naga tihiin ee ha na sugina.” Ayuu yidhi Siyaasi Axmed Cabdilaahi Xamarje.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here