Faysal Cali Waraabe Oo Ku Dhaartay In Uu Joojinayo Cashuurta Hargeysa + Madaxweynaha Oo Uu Ku Hor Maagay Wasiiro Iyo Agaasimayaal Guud Iyo Nashqada Dawladda Uu Dhisayo Hadii La Cugto

0
701

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Mucaaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo hortiisa ku dhaleeceeyey Kooxo uu sheegay in xukuumada ay ka tirsan yihiin oo ay kaanbayn aan sharci ahayn ku garab istaageen Murashaxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe sidoo kale waxa uu soo bandhigay waxyaabaha uu qaban doono waxaana uu kaalinta koowaad siiyey Waxbarashada iyo la wareegista Jaamacadaha aan dawliga ahayn oo uu sheegay in uu mid ka dhigi doono sido kale waxa uu cadeeyey in uu dawlad kooban soo dhisi dono hadii shacabka Somaliland doortaan halka uu sidoo kale balan qaaday in uu soo rogi doono sharci xakameeya xukuumadiisa.

Ugu horayn Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in jaamacada Hargeysa ay aas-aaseen isla  markaana fikirkii lagu unkay ay lahaayeen Fosiya Xaji Adan oo wakhtigan Xildhibaan ka ah Somaliya iyo Dr. Sacad Cali Shire oo ah wasiirka arimaha dibada Somaliland  waxaana uu yidhi isaga oo taariikhdaa ka hadlayaa. “Anigu dalka waxaan ka tagay 1965-kii Hargeysa oo aan dugsi sare lahayn iska daa Jaamacadee Maantana Alxamdulilah intaas oo jaamacadood ayeynu leenahay taasi waxa ay ka turjumaysaa in qof waliba dalkiisa gacanta ku haysto oo uu ka taliyo qarankiisa Maanta waad aragteenoo Somaliya shan dawladood oo qabiilo ah ayaa ka jira iyagii aya isku maran inagana way inoo yeedhayaan ILLAAHAY nooma kiin keeno dee Horta Jaamacadan inantii inoo keentay Foosiya inkasta oo ay xamar inooga leexatay hadana taariikha ayey ku taal waa in la xuso Foosiya iyo Sacad Cali Shire ayey ahaayeen labadii qof ee aas-aaska Jaamacadda Hargeysa keenay.”

Faysal Cali Waraabe waxa uu sidoo kale sheegay in Jaamacadda Hargeysa ka soo doogtay marxalado iyo dhaawacyo qabiil oo soo gaadhay oo uu sheegay in Jaamacaddu qarka u saran tay in beelo beelo loo kalo baxo waxaana uu yidhi. “Jaamacaddan marxalado adag ayey soo martay Rukunkii qabyaalada ayey noqotay Maamulkii kan ka horeeyey mar baanu ardayda u kala saari gaadhnay reero oo uu Aadan Siiro-na damcay inuu beeshiisa kala baxo halkaa iyo Biyo Doofaar meel la dhaho ayuu furtay Laakiin maanta way idinka muuqataa is bedelka aad samayseen.”

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid sidoo kale waxa uu soo bandhigay waxqabadka uu la iman doono hadii shacabka Somaliland u doortaan Madaxweynaha shanaad ee Somaliland waxaana uu sidoo kale dhaliilay tartanka reernimadu ku jirto ee ka dhaxeeya Kulmiye iyo Waddani waxaana uu yidhi. “dadka Taagera Waddani iyo Kulmiye waxa la yidhi waxa ay iskugu faanaan anagu waxaanu degnaa ilaa iyo Meel heblaayo qabyaalad ayey isku kaanbayn gareeyaan anigu waxaan idiin sheegayaa hadii aan talada qabano Miisaaniyada qaranka 17% Tacliinta ayaanu galinaynaa la baryi maayo Jaamacadaha ka dhisan gobolada Borama ila Laascaanood waxaanu ka dhigaynaa Dalad Guud anaga ayaa la wareegayna Qabyaalad danbe lagu maamuli maayo waxaanu samaynaynaa dadkeenii Miyiga way ka soo xaroodeen xoolihi ayaa ka baxay magaaladii ayey soo galeen Qaad ayey ruugayaan Farsamada gacanta ayaanu baraynaa sida Laydhka loo xidho ayaanu baraynaa walaalayaal waxaanu doonaynaa inaanu samayno dawlad yar oo dadku u siman yahay Oo Qabyaalad aan ku abtirsan oo ka caagan musuq maasuq ayaanu samaynaynaa Insha Allah Sharci ayaanu dalka ku soo rogaynaa maanta waad ogtihiinoo dalka ninba wuxuu doono ayuu samaynayaa.”

Faysal Cali Waraabe sidoo kale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday isaga oo madasha fadhiya in uu wax ka qabto Agaasimayaasha iyo Wasiirada Muuse Biixi kaanbayn garaynaya waxaana uu yidhi. “Maanta waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha inuu ka joojiyo Wasiirada iyo Agaasimayaasha guud ee kaanbayn garanaya ee lacagtii ku kaanbayn garaynaya anagu hadaanu aragno Maayarka Hargeysa iyo ka Berbera oo Muuse Biixi u raacaya gobolada waxaanu u arkaynaa inuu lacagtii Dawlada Hoose uun sido Cashuurta waanu joojinaynaa dhici mayso lacagta Hargeysa in aniguna ka qatanaado nin kalana lagu kaanbayn gareeyo Walaahi waanu joojinaynaa Cashuurta.”

Ugu danbayn Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Ucid waxa uu Madaxweynaha hortiisa ka sheegay in xukuumadu tahay tii Siilaanyo ee aanay ahayn Xukuumadii Muuse waxa uu qiray in xukumada Muuse dhalan doonto oo ka dhigan in la dooranayo waxaana uu yidhi. “Agaasimaha guud ee inta uu reerkooda Shiriyo odhanaya waxaanu nahay Kulmiye waa in shaqada laga eryaa Agaasimaha guud Farsamo ayuuu ku shaqeeyaa maaha in uu siyaasadda ku milmo markaa Madaxweyne hawl badan ayaa kuu taala si taariikhdaadu u wanaag sanaato waa inaad xakamaysaa Dawladaada dawladani dawladii Muuse maahee waa taadii tiisu way dhalan doontaa  waa inaad xakamaysaa taada anigu dadka ma xanto hortoda ayaan ka sheegaa waa kaa Madaxweynihii I hor fadhiya iminka Yarkan Madaxtooyada hab maamuuska haysta wuu I xumeeyey hadhow ayaan kala hadli doona walaalayaal gacantiina sida Somaliya oo Farmajo isku qoomamaynaysa ha is qoomamaynina ee ka fiirsada ninka aad dooranaysaan.” Ayuu yidhi Murashax Faysal Cali Waraabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here