“Anigu Afartii Qof Ee SNM Ugu Horeeyey Ayaan Ka Noolahay Hal Guri Layma Siin Faysal Iyo Cirro-na Daaro Ayey Ku Jiraan” Mujaahid Maxamed Kaahin

0
898

Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo qudbad is bar bar dhig xaalado siyaasadeed iyo hogaamiyayaasha xisbiyada ka jeediyey Jaamacadda Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Cabdiraxman Cirro iyo Faysal Cali oo dalka aan dhibkii iyo xanuunkii lagu xoreeyey u soo marin ay maanta Guryo dawladood u dhisan yihiin isaguna aanu ku lahayn qol jiingad ah hadana ay ka cabasho badan yihiin iyagu.

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in Horumarka dalka maanta ka hanaqaaday uu yahay mid uu jeexay xisbiga Kulmiye iyo xukuumada uu gadhwadeenka u yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaana uu qeexay sababta horumarkaasi lagu sameeyey waxaana uu yidhi. “Dee harumarka maanta dalka ka dhacay Kulmiye ayaa keenay  odaygiisii Murashaxiisiina waa Axmed Siilaanyo oo hada mudo xileedkiisii wakhtiga uga hadhsan ay laba bilood tahay  anagu dalkan lamaanaan iman dhaqaale Axmed Siilaan-yana lacag ma sidan Kulmiyana lacag ma sidan Horumarka uu dalka gaadhsiiyey waxa uu ku yimi Aragtidii iyo dadaalkii uu ku soo bandhigay Barnaamijkiisii hore ee siyaasiga ahaa Kulmiye Barnaamijkiisa cusub waa daba raac Ucid kiiisu dabaraac iyo hor-raac midna maaha Waddani isagu waxba tirsan maayoo oo xaashad cad weeye.”

Sidoo kale Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ka hadlay dhaliisha xisbiyada mucaaradka ee ay ku eedeeyaan xukuumada iyo xisbiga Kulmiye in ay dhulkii iyo hantidii qaranka baabiiyeen isla markaana ay dantii guud meesha ka baxday waxaana uu soo bandhigay farqiga isaga iyo Hogaamiyaasha Waddani iyo Ucid u dhaxeeya waxaana uu yidhi isaga o fagaare shacab waynuhu gob joog u yahay kala garnaqsanaya mucaaradka. “Lacag bay cuneen guryo ayey dhisteen anigu afartii qof ee Jabhada u hor talaabay ayaan ahaayoo Kaligayna waan ka noolahay Faysal iyo Cabdiraxman Cirro labadaba Guryo ayaa la siiyey anigu hal guri maba lihi Axmed Siilaanyo ima Siin Ina Cigaalna ima Siin Daahir Rayaale-na ima siin hadana nin intaa ku ciil qaba ma ihiyoo Jaamacadan aynu maanta iminka fadhino wuxuu ahaa School-kii ugu horeeyey ee la odhan jiray First Jully aniguna labada aqal ee waawayn ee halkaa ka soo jeeda ayaan ku jiray iyada oo maalin kasta cunaha la hayo oo nabad sugid loo soo diro oo la leeyahay waa kacaan diid ayaan ka ridi jiray maxaan Maanta mabsuud ku ahay inuu Dugsigii maanta Jaamacadda Hargeysa yahay Laakiin kuma ciil qabo inaana anigu guri lahayn dhulka Jaamacada laga dhisayo anaga ayaa bixinayna horumarkii Axmed Siilaanyo ayaanu sii wadaynaa.” Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here