Boqor Buurmadow Oo Ka Dhex Hilaacay Ardaaga Loo Xidhay Shirka Af-garad Iyo Aayo Talis Iyo Nuxurka Fariin Farxad Galisay Siyaasadda Iyo Somaliland

0
715

Boqor Maxamuud Aw Buurmadow oo ka mid ah Boqorada Geeska Afrika iyo madax dhaqmeedka Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay Qodobada ka soo bixi doona Shirka Beelaha Biciide oo uu gaadhay si balaadhana looguy soo dhaweeyey goobta loo yagleelay in shirku uu si rasmi ah uga furmo.

Boqor Cismaan Buurmadow waxa uu sheegay in shirkaasi uu yahay mid cid kastaaba ay ka faa’idi doonto isla markaana midhaha ka dhalan doonaa ay yihiin kuwo anfacaya Siyaasadda, Xisbiyada, iyo beelaha Somaliland guud ahaan waxaana uu sidoo kale sheegay in shirku aanu noqonayn mid mudo dher socda balse uu yahay mid wakhtigiisa la xadiday oo la soo gaabin doono waxaana uu yidhi. “Shirkani waa mid cid waliba ka faa’idi doonto beeluhu ka faa’idi doonaan siyaasiyiintu ka faa’idi doonto cidna aanu dhib ku ahayn lagu wada faraxsanaan doono cid walibana ay muraadkii lahayd ka heli doonto Beeshuna wixii ay u qabsatay iyo danihii ay ka lahayd ay ka fuli doonto Insha Allah si nabad galyo ah uu inoogu dhamaan doono waxaan rajaynayaa mar hadii wakhti dheer la galiyey hawlihiisuna ay iska urur sanaayeen inaanu wakhti badan qaadan doonin.”

Sidoo kale Suldaan Yuusuf Siciid Xaaji Ducaale oo madax dhaqmeedka dalka ka mid ah ayaa waxa uu sheegay in Shirkan aanay jirin koox dhaqmeed ama koox siyaasadeed isku khilaafsan isla markaana uu yahay shir cid kastaaba ay dhinaceeda kala socoto waxaana uu yidhi. “waa Ergadii ugu danbaysay ee uu hogaaminayo boqorku ayaa maanta soo af go’day waxaan leeyahay mahadaa ILLAAHAY ayaa iska leh meesha lagu qabtay iyo jawiga maanta yaala iyo dadka ka soo qayb galay iyo khilaaf la’aanta haday tahay siyaasad haday tahay xisbiyo haday tahay beelo  wax khilaaf ah oo ka muuqdaa habayaraatee ma jiro.” Ayuu yidhi Suldaan Yuusuf Xaaji Ducaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here