Xisbiyada Mucaaradka Oo Shaaciyey In Ay Midig Iyo Bidix Midaysan Kala Ciyaari Doonaan Kulmiye Iyo Shir Ay Hanaan Isku Lamaan Uga Soo Baxeen + Eedayn Qoorta Loo Sudhay Komishanka Aamusan

0
428

Labada Xisbi mucaarad ee Somaliland ee Ucid iyo Waddani oo is garabsanaya ayaa si isku lamaan banaanka uga soo baxay shir shan geesood ahaa oo u socday Komishanka Doorashooyinka Sadexda Xisbi Qaran iyo Saxaafadda Somaliland isla markaana lagu damacsanaa in lagu qarto heshiis lagu galayo doorashada dalka laguna dabrayo Saxaafadda qaranka oo la sameeyo guud oo dusha kala socota dhaq dhaqaaqooda qoraaleed ee shaqada Warbaahinta.

Labada dhinac oo Warbaahinta la hadlay waxa ay sheegeen in shirku xukuumada iyo Kulmiye u af duuban yahay isla markaana uu hordhac u yahay Af-duubasho dhinaca doorashada ah oo dalka ka dhacda waa sida ay hadalka u dhigeenee waxaana ay dhaar ka mareen in ay saxeexaan heshiiska Komishanka doorashooyinku soo diyaariyey oo ay ku sheegeen in u jeedo gaar ah laga wato.

Sidoo kale bahda Saxaafadda iyo Ururka Solja ayaa iyaguna dhankooda banaanka uga baxay Shirka ka dib markii Komishanka doorashooyinku cadayn kari waayey u jeedada Heshiiska iyo wajiyada uu leeyahay iyada oo Saxaafaddu il gaar ah ku eegtay Heshiiska oo dabar Maleegan ahaa.

Ugu Horayn Gudomiyaha golaha Dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Jiir Madoobe oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu yidhi. “Waxa halkan iskugu yimi labadii xisbi mucaarad oo markii hore aad nala ogaydeen in ay kala yara maqan yihiin maadaama oo wakhtigii doorashadu ay soo dhaw dahay culays badana ay saarayso xukuumadi sidii ay uga hawl gali lahayd inay kala fur furto wax ala wixii laga soo shaqeeyey mudada faraha badan leh waxa loo jeedaa waxa weeyaan in doorashadu u dhacdo si dhex dhexaad ah hadii intaa laga waayana dhex ma noqonayso waadax ma noqonayso waxay noqonaysaa doorasho lagu shubto oo aanay daacadnimo ka muuqan ayey noqonaysaa labadaa xeer midna ma saxeexayno hadii aan xeerka Saxaafadda lagu darin arinta.” Ayuu yidhi Jiir Cali Madoobe.

Sidoo kale Xoghaya warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID Yuusuf Kayse oo dhankiisa ka hadlay kulanka ay banaanka uga soo boodeen waxa uu sheegay in arintu dhinac ka raran tahay dalkana ay afar xisbi qaran ka jiraan waxaana uu yidhi. “Shirkaa shalay talooyin ayaan soo jeedinay hadaanu asxaabta nahay talooyinkii komishanka ayaa lagula noqonayoo inan Loyar ah ayaa Komishanka u joogay goobta Inankii hadal kale ayuu nagu soo celiyey wuxuu yidhi waa la diiday taladiinii la soo jeediyey horta dalka Sadex xisbi qaran ayeynu ku ogaynee laakiin afar xisbi qaran ayaa dalka ka jira oo aan u malaynaayo inay Komishanku aqoonsan yihiin waa Xukuumada iyo Kulmiye iyo Labada xisbi ee kale goormay xukuumadu xisbi afraad noqotay oo ay aqoonsi qaadatay ilaa shalay iyada ayaa na dhex ordaysay dadkan dooda samaynayey kala badh ayaa iyada ka socday oo Wasaaradda Warfaafinta ka socday oo xukuumada ahaa xagan kale Kulmiye ayaa nagala doodayey dee Meeshiiba iyaga ayey noqdeen,” Ayuu yidhi Xoghaye Yuusuf Kayse.

Xoghaya Guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Uur-cadde ayaa dhankiisa waxa u baaq u diray Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi. “Waxaanu jecelnahay si dalka shuruucdiisa iyo nidaamkiisa loo raaco inay u hogaansato xukuumadu Madaxweynuhuna soo saar wixii sharci ah ee loogu leeyahay ee komishanku u leeyahay inuu si deg deg ah u soo saaro si xisbiyaduna ay u saxeexaan heshiiskaa intaa inta ka horaysa anagu halkaa waxba ka saxeexi mayno waayo waxaanu saxeexnaaba ma yaalo”

Sidoo kale Uur-cadde waxa uu sheegay arin damac ah oo ka soo dhex baxay heshiiska oo la doonayo in Saxaafadda hanaan siyaasadeed lagu dabro waxaana uu yidhi. “Wax la yaab leh ayaa soo baxay oo ah in la yidhaahdo waxa la samaynayaa gudi ilaalisa habka ay saxaafadu u wado shaqadooda si aan dalka dhibaato uga dhicin oo Gudi sare ah gudidii waxa la yidhi Wasiirka Warfaafinta ayaa laba xubnood ku daraya xisbiyada kalana kuma jiraan Wasiirka Warfaafintu waa Kulmiye waanu wada garanaynaa Caddaani Kulmiyana waa lagu darayaa labadii kalana waa laga saarayaa suurta gal maaha arintan waxa soo diyaariyey Komishanka Qaranka Iyagaa noo yeedhay iyaga ayaa yidhi halaga dodo waxaanu aragnaa inay dhinac ka raran tahay labadaydayada xisbina waanu qornay oo waanu cadaynay inay dhinac ka raran tahay.” Ayuu yidhi Uur-cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here