Xirsi Oo Qoryaale Ka Curiyey Colaad Lagu Khaarajinayo Masuul Hore Loo Dhaawacay + Gudoomiyaha Qoryaale Oo Ku Dhaartay Xaqiiqda Xiisada Xirsi Kiciyey Iyo Waddani Oo Nabaro La Dhayey Dib U Dhaawacay

0
615

Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Bile Jaamac Muuse ayaa war dhiilo leh ka soo saaray  dhaq dhaqaaq colaadeed oo uu sheegay in Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ka alosay deegaankaasi isla markaana lagu doonayo in mar kale isaga lagu dilo waxaana u shaaciyey in deegaanka ay ka jirto xaalad hub gurasho ah oo colaad dhiig daadasho ka imanayso.

Gudoomiyaha Degmada Qoryaale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasaaradda arimaha Gudaha la socod siiyey xaalada la doonayo in isaga lagu dilo oo uu arintaasi Xirsi ku eedeeyey waxaana uu soo bandhigay cadaymo aan meer meer lahayn oo uu ka hayo Xirsi Cali Xaaji Xasan isla markaana uu hore warbaahinta uga sheegay in mar kale la dili doono Gudomiyaha Degmada Qoryaale.

Ugu Horayn Gudoomiyaha Degmada Qoryaale Bille Jaamac Muuse waxa uu ka hadlay in uu af duub ku haysto dadka deegaanka Qoraale waxaaa uu yidhi. “dadka marka uu Xirsi arkay inaanu Taageero ku haysan deegaanka Qoryaale Ayuu wuxuu isticmaalayaa Gudoomiyaha Degmada Qoryaale ayaa dad cabudhinaya miyaan cabudhin karaa? Qof waliba gacantiisa waa u xor anigu masuul ayaan ahay maamulkii Dawlada ee meesha joogay ayaan ahay xisbiga Kulmiye waan ahay laakiin qofna xoriyada kama qaadi karo.”

Gudoomiye Bille sidoo kale waxa uu ka hadlay dhacdo hore isaga rasaas lagu furay oo uu ku waayey qaybo ka mid ah laxaadkiisa oo lug ay go’day waxa uu sheegay in xaaladaasi Xirsi dib u istaadhay waxaana uu yidhi. “waxa soo baxday inuu Xirsi ka hadlay meeshii shirka uu ugu qabtay dadkii uu Burco ka soo raray arimaha uu ka hadlay qaybo badan ayey lahaayeen waxa ka mid ah Adinkaygan I Go’ay waxaan leeyahay Adinkaygani qadar ILLAAHAY ayuu ahaa madaxweynayaasha ayaa la toogtaa Wasiirada ayaa la toogtaa arimaha iskood iskaga dhacay ee qadarka ILLAAHAY ayaanu u haysanay dadki uu arinkaasi igaga yimina waanu ka heshiinay waan ka samray waa layga dhaariyey wax dhib ah oo maanta ka taagan habayaraatee ma jirto.”

Gudoomiyaha Degmada Qoryaale waxa uu bayaamiyey in deegaanka uu gudoomiyaha ka yahay colaad belo isku dhufasho ah ay ka bilaabantay waxaana uu Madaxweynaha la socod siiyey arintan isaga oo ku dhaartay inay jiraan dhaq dhaqaaqa colaada dagaal ee la doonayo in deegaanka Qoryaale laga rido oo uu eedeeda Xirsi Cali dusha u saaray waxaana uu yidhi. “Xirsi Xabaalihii Maka Dur Duro isaga ayaa soo faadh faadhay maanta wax hore loo dhameeyey isaga ayaa soo faqay marka Hore Madaxweynaha Qaranka, Wasiirka Arimaha Gudaha. Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Gudomiyaha Gobolka Togdheer waxaan halkan ka ogaysiinayaa in Xirsi deegaankan Colaad ka iclaamiyey colaad beri hore dhamaatay uu dib u soo celiyey oo aan arinkeeduba oolin waxa uu ka wadaana ay tahay inuu colaad ka huriyo deegaankaa saakadan Walaahi wuu jiraa dhaq dhaqaaq colaadeed oo uu abuuray isagaa xasaradaa iyo xadhigaa xidhay waa Shirqool caadi ah waad aragtaan wuxuu yidhi dadku dadkii hore kuu dilay weeye Iminkana way ku dilayaan.”

Waxa uu ugu danbayn Gudoomiyaha degmada Qoryaale waxa uu sheegay in Xirsi masuul ka noqon doono wax kasta oo ka dhaca deegaankaasi oo uu sheegay in la abaabulay koox Xirsi u shaqaynaysa oo doonaysa inay disho Gudoomiyaha Qoryaale Mr Bille waxaana uu fariin u diray Salaadiinta iyo cuqaasha deegaankaasi. “waxaan halkan ka soo jeedinayaa wax garadka cuqaasha Suldaanka Deegaankaas dhamaan cidii deegaankaas degtaay Xirsi colaad ayuu ka huriyey degmada Qoryaale nin wallow ogow saakadana dhaq dhaqaaqeedu walaahi wuu jiraa Xirsi markii u taageero ka waayey deegaanka Qoryaale waxa uu bilaabay I uu dad Burco ka soo raro dabadeedna colaad ka abuuro deegaanka Qoryaale waxaan cid walba u sheegayaa wixii deegaanka Qoryaale ka dhaca in uu Xirsi masuul ka yahay waana wax lala yaabo Lacagtii hantida qaranka ahayd ee Madaxweynuhu dhakhtarka dibada igu qabadsiiyey in uu isagu Sheegto abaal uguma hayo oo Madaxweynahaygaa ayaa garabkaa I siiyey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here