Murashax Cirro Iyo Hogaamiye Xirsi Oo Isku Khilaafay Hakinta Durbaano Xisbigu Siyaasadda U Garaacayey Iyada Oo Tacsida Talyanle U Taalo + Car Iyo Wir Lagu Kala Hoyday Iyo Qosolkii Murashaxa

0
523

Goor saqdhexe ah habeenkii Arbacadu soo galaysay ayaa la xaqiijiyey Geerida Marxuum Xildhibaan Cabdiraxman Talyanle oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha wakiilada sidoo kalana ahaa Murashaxii kursiga gudoomiyaha kula tartamayey Baashe Maxamed Faarax sidoo kale waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta haldoorka u ah xisbiga WADDANI oo abal badan u galay
Guud ahaan shacabka iyo qaranka Somaliland Geerida Marxuum Talyanle si wayn ayey u damaqday waxaana la dareemay booskii uu ka baxay oo banaanaaday waxa uu ahaa sida taariikhdiisa iyo dadkii asxaabta dhaw la ahaa inuu ahaa Shaqsi Af gaaban cidna aanay is diidin bulshada isku wada oo dulqaadan badan waxaana guud ahaan Geeridiisa ka hadlay haldoorka iyo siyaasiyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland.
Arintii ugu yaabka badnayd ayaa ahayd in xisbigii uu ka tirsanaa Marxuum Talyanle oo laga eegayey inuu yahay xisbi tacsi u taalo isla markaana galaya hawlaha tacsiga Marxuumka in uu Hargeysa durbaano iyo mashxarad ku dhaafay iskuna shubay magaalada Berbera oo ay ugu diyaarsanayd fooladayn iyo qosol aduun oo damaqday shacabka Somaliland iyo qoyskii Marxuum Talyanle sida aanu xisbigii uu ka tirsanaa u muujin Geerida dhacday iyo Booskii Marxuum Talyanle ugu jiray.
Murashaxa WADDANI waxa uu diiday in xafladii Berbera ka dhacaysay geerida awgeed hal maalin dib loo dhigo waxaana uu sheegay inaan la jojinay xaflada oo uu KULMIYE iska dhicinayo waxa la sheegayaa In hogaamiyaha xisbiga WADDANI soo jeediyey in xafladaasi la hakiyo balse aanu aqbalin arintaasi uu khilaaf ka dhashay.
Cabdiraxman Cirro oo muuqaal iska duubay waxa u sheegay inaanu la socon xanuunka Marxuum Talyanle Hindiya loogu qaaday oo ay ugu danbaysay isaga oo caafimaad qaba isla markaana dalka ku sugan taasi oo muujinaysa sida xisbiga WADDANI u dayacay Marxuumka o ka mid ahaa kooxdii isbahaysiga ee KULMIYE ka baxay kuna biiray xisbiga WADDANI.
Geerida Cabdiraxman Talyanle xisbigii uu ka tirsana ee WADDANI ee mashxarada geerida raaciyey marka laga reebo guud ahaan dhimashadiisu Somaliland si wayn ayey u gil gishay shacabka badankiisuna murugo ayey dareemeen maqalka Geerida ka dib halka Cabdiraxman Cirrana go’aamiyey garaacista durbaanada iyo mashxarada ficiltanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here