Faysal Cali Waraabe Oo Fagaare Kumanaan Qof Fadhiyaan Ka Cadeeyey In Uu Aqoonsiga Somaliland Ku Keenayo Wax Labo Sano Ka Yar Kana Digay Dalab Somaliland La Xidhiidha Oo Qaramada Midoobay La Hordhiga

0
555

Murashaxa xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa madal Madaxweyen Siilaanyo fadhiyey kaga foodhyey siyaasadda labada murashax ee isaga la tartamaya oo uu ku eedeeyey in ay qabyaalada korinayaan isla markaana xafladaha farxada dhalinyarada kaga maqan yihiin shirarka qabaa’ilo ku soo biiraya iyo dhiiri galinta qabyaalada.
Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID sidoo kale waxa uu sheegay in hadii Madaxweynaha Somaliland loo doorto uu Ictiraafka Somaliland labo sano ka dib keenayo waxaana uu digniin uu ka soo saaray dalab dawlada Somaliya qaramada midoobay ay u bandhigtay oo sheegaya in aan Somaliland la aqoonsan xuduudaha Somaliyana aan la taaban.
Ugu horayn Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Waxa xaflad uu kaga qayb galay Jaamacadda Golis oo labadii Murashax ee kale ay ka maqnaayeen uu la xidhiidhiyey maqnaan shahooda shirar doceedyo ay kula jiraan reerahooda waxaana uu yidhi.“horta aan yara kaftamee labadii nin ee ila sharaxnaa midna ma joogo meesha taasi waxa ay ku tusaysaa sidaanu u kala duwanahay iyaguna waxa ay ku jiraan shirar Qabaa’il oo odayaal ku soo biiraya aniguna waa taas oo Todobaadka waa tii Afraad ee aan imi marka laga bilaabo Jaamacadda Borama tii Hargeysa ayaa ku xigtay New Generation ayaa ku xigtay maantana (Shalay) waa tanoo waa xafladii Golis intaba iyagu may joogin oo reerahooda ayey la shirayeen anigu waxaan ogahay Mustaqbalku inuu idinka yahay Siciid Madaxweynaha Golis dadka wuu iga xigaa Aabihii maalin ayuu arkay anoo edeb daroonaya wuu isoo akhkateeyey ana edeb daradii waan joojiyey.”
Murashax Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in labadii jeer ee Madaxtooyada loo kordhiyey sababtay in beeshii caalamku ka hayaantay Somaliland loona baahan yahay in la soo celiyo waxaana uu yidhi. “Guurtidaa ka kici wayday Kuraasidii wakiilada ayaa ka kici wayday kuraasidii labadaa jeer ee Dawladda loo kordhiyey aduunkii dhabarka ayuu inoo jeediyee waxaan doonayaa inaan dib u soo jeedino oo aan dib xidhiidh ula yeelano waxaan doonaynaa doorashadaa waa kaa odaygeenii halkaa fadhiya inaynu nabad galyo ku galno ayaanu doonaynaa waa inay ku dooranaa muxuu qabanayaa Murashaxu meeshana loo ordi maayo Xisbi Xisbi iyo reero ee waxa weeye lix qof ayaa meesha ordaya oo murashaxiin ah murashixiintu maxay iibinayaan maxay dalka la damacsan yihiin waa in loo eegaa laakiin reer hebel ayaa igu soo biiray iyo reer hebel ayaa ii yimi dalka wadi mayso waa wax cusub oo hada nagu bilaamay intii uu hada WADDANI dhashay ayuu waxaasi nagu bilaamay walaalayaal.”
Faysal Cali Waraabe waxa uu amaanay Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo uu sheegay in Somaliland markii ay ugu adkayd ay bad baadisay waxaana uu yidhi. “waxaan jecelnahay walaalayaal hadii alle ka dhigo inaan kala baxno inaga iyo Somaliya sida ugu dhakhsaha badan inaynu kala baxno ayaan doonayaa hadaynaan kala bixin oo aynaan aduunka Ictiraaf ka helin walaalayal sidan kuma jirayno oo dhaqaalaheenii isma bixinayo dhaqaalaha maanta waad ogtihiin wa taa Sam Sam fadhidee hadaanay Sam Sam kamaynaan baxneenba marxalada aynu marayno iyadaa quful wixii yaraa ee la hayey ku xidhay markii Abaartii dhacday Xoolihii la joojiyey shubankii dhacay waa tii fadhiisan wayday iyadana gacan u taaga walaalayaal.”
Faysal Cali Waraabe sidoo kale waxa uu cadeeyey in hadii la doorto uu labo sano gudahood aqoonsi ku keenayo waxaana uu sidoo kale uu ka digay dalab Somaliland la xidhiidha oo Ra’iisal wasaaraha Somaliya Qaramada midoobay hordhigay. “Maalin dhawayd UN-ta waxa ka hadlayey ninka Somaliya madaxda ka ah ee Ra’iisal wasaaraha ah wuxu u Qaramada Midoobay ku boorinay oo uu lahaa Un-taay waa inaad ilaalisaan Midnimada iyo xuduudaha Somaliya waxaan u sheegayaa aduunka Xuduudaha Somaliya waa kii Talyaaniga anaga waxaa nala dhahaa Somaliland xuduudkayagu maaha xuduud laga soo jarayo Somaliya maaha waa dal dal ku darsamay markaa walaal dhagaha ka furaysta ayaanu leenahay anigu hadaan soo baxo waan soo bixi doonaayee waxaan awooda saarayaa in 2019-ka in inaga iyo walowayn aynu kala farxalano waxaan idinka codsanayaa markaa inaad Somaliland cusub ila dhistaan.”

“Xukuumadu Waa Inay Amarka Ciidanka Ku Wareejisaa Komishanka Doorashooyinka…” Cabdiraxman Cirro
Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Cirro ayaa markii ugu horaysay xukuumada ka dalbaday inay Komishanka Doorashooyinka ku wareejiso amar bixinta Ciidanka Booliska iyo Militeriga mar hadii la gaadhay xili doorasho.
Cabdiraxman Cirro sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan dadka reer Somaliland ay ka niyad jabeen hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay in isaga lagu doorsanayo waa sida uu hadalka u dhigayee waxaana uu sheegay in gobolada galbeedka iyo Barigu isku si u doonayaan in xisbiga Waddani ay doortaan waxaana uu yidhi. “Gobolada aanu soo marnay ee bari iyo galbeedba iskugu jiray iyo dhamaan deegaanadii faraha badnaa ee aanu soo marnay dadka waxa nooga muuqday inay dhamaantood doonayaan in is bedel siyaasi ahi dalka ka dhaco dareenkooda way cabirayeen sababta ay isbedelka u doonayeen way cabirayeen waxyaabo badan oo noloshooda aad u taabtay oo sixir bararku kow ka yahay oo noloshii shacabka curyaamiyey ayaa jira cabashooyinka dadku way badnaayeen sidaa daraadeed shacabka intii aanu dareenkooda gaadhnay runtii kumay kala duwanayn bari iyo galbeed in dalka is bedel ka dhaco.”
Sidoo kale Murashaxa xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxman Cirro waxa uu beeniyey in isaga ay Oodweyne u xidhan tahay Muuse Biixina Gabiley u xidhan tahay waxaana isaga oo arintaasi ka hadlayaa uu yidhi. “waxaan soo xaqiijinay dalka inaanay meel cid u xidhani jirin ama bari ha noqoto ama galbeed ha noqoto ama gabiley ha noqoto ama magaalo kale ha noqoto wixii la sheegayey ee la lahaa magaalo heblaayo xisbi ayey u xidhantay anagana nooma xidhna cid kalana uma xidhna.”
Murashaxa xisbiga WADDANI waxa uu ku baaqay in maalinta doorashada talada dalka ay iska wareejiso xukuumada Siilaanyo gaar ahaan amarka ciidaka Booliska iyo kuwa qaranka waxaana uu yidhi. “kolayba gudida waxa looga baahan yahay garoon siman oo lagu ciyaaro inay abuuran in dhamaan qabyada jirta ay qabyo tiraan xukuumadana waxa looga baahan yahay wixii xukuumad laga rabay inay diyaariso oo waliba masuuliyada amaanka iyo ka amar qaadashadana ay ku wareejiso maalinta doorashada Komishanka waxaan shacabka ugu baaqayaa dhamaantii inay u diyaar garoobaan doorashada inay nabad galyada ilaaliyaan doorashadana la adkeeyo.”
Ugu Danbayn Cabdiraxman Cirro waxa uu sheegay sida uu saxaafadda ula macaamilayo hadii uu kursiga Madaxweynaha ku guulaysto. “kolayba waxaan anigu ku kalsoonahay Saxaafadda inaan la saaxiibi doono oo Kulmiye uga wanaagsanaan doono.” Ayuu yidhi Cabdiraxman Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here