Shacabka Kurdiyiinta Oo Afti Codayn Ah Ugu Codeeyey Inay Ka Go’aan Ciraaq Inteeda Kale

0
476

Kurdiyiinta ku nool Waqoyiga Ciraq ayaa afti laga qaaday waxa ay cod aqlabiyad leh ugu codeeyeen inay ka go’aan dalka Ciraq.
Guddiga doorashada oo soo saaray natiijada aftida ayaa sheegay in boqolkiiba 92% oo ah 3.3 million oo Kurds iyo qaar aan Kurdisba ahayn ay u codeeyeen inay ka go’aan wadanka Ciraq.
Natiijadan ayaa soo baxday iyadoo baaqyo loogaga codsanayo Kurdiyiinta inay joojiyaan ku dhowaaqista natiijada ay tii ugu dambeysay ay ka timid ra’iisal wasaaraha dalka Ciraq.
Haider al-Abadi ayaa ka codsaday Kurdiyiinta inay wadahadal la furaan dowlada inta aysan aftida ku dhowaaqin. Hase yeeshee Hogaamiyaasha Kurdiyiinta ayaa sheegay in codeynta Haa ah ay awood u siineyso in ay bilaabaan wadahadalo ay ugaga go’ayaan dowlada dhexe ee Baqdad iyo wadamada deriska la ah.
Hase yeeshee baarlamaanka dalka Ciraq ayaa weydiistay ra’iisal wasaaraha in uu dhigo ciidamo gobolka caanka ku ah saliida ee Kirkuk iyo deegaanada kale ee uu khilaafku ka taagan yahay balse ay maamulaan ciidamada Kurdishka.
Dagaalyahanada Kurdiyiinta ee Peshmergaha loo yaqaan ayaa qabsaday Kirkuk oo ah gobol ay sheegtaan inay leeyihiin Kurdiyiinta iyo Carabta reer Ciraq, markii uu ururka IS la wareegay inta badan Waqoyiga dalka Ciraq sanadkii 2014.
Aftida ayaa laga qaaday saddex gobol oo ka mid ah gobolada dalka Ciraq kuwaasoo la isku yiraahdo Kurdistan Region iyo weliba deegaano kale oo ay Kurdiyiintu degen yihiin.
Guddiga doorashada ayaa gelinkii dambe ee Arbacada maanta ka sheegay magaalada Irbil in dad gaaraya 2,861,000 ay u codeeyeen “Haa” madaxbanaani halka tiro kale oo gaareysa 224,000 ay u codeeyeen “Maya”. Dadka u soo baxay codeynta ayaa guud ahaan lagu sheegay in ay ahayd boqolkiiba 72.61% dadka codeyn kara.
Kurdiyiinta ayaa ah qowmiyada afaraad ee ugu badan Bariga Dhexe balse weligood ma helin wadan u gaar ah. Dalka Ciraq oo dadka ku nool lagu qiyaaso inay gaarayaan 37 million ayaa lagu qiyaasaa Kurdiyiinta ku nool inta u dhexeysa boqolkiiba 15 iyo boqolkiiba 20.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here