Wiil Somali Ah Galinkii Horana Meherkiisu Dhacay Oo Galinkii Danbe Wadanka Jarmalka Lagu Dilay

0
769

Tuulada Büsum oo qiyaas ahaan Saacad u jirta Magaala Xeebeedka Kiel oo deegaan ahaan dhacda xeebaha waqooyi Bari ee dalka Jarmalka Ayaa wararka Naga soo gaadhayaan sheegayaan in lagu dilay Wiil soomaali ah .
Dilka Ayaa waxa gaystay isla Wiil kale oo Somali ah oo lagu magacaabo Maxamed oo ay wadda degenaayeen dhismaha guriga.
Wiilka la dilay Ayaa lagu magacaabaa Axmed waxana ay wararku intaas ku darayaan in marxuumku uu maanta galinkii hore mehersaday Gabadh , galinkii danbe na falkan dilka ah loo gaystay ,
Booliiska magaalada uu falku ka dhacay ayaa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiig-laha gaystay dilka waxana ku socda baadhitaan .
Wararku waxay intaas ku dareen in wiilka dilka gaystay uu madaxa ka jiranaa mudooyinkii u danbeeyey na xaaladiisa caafimaad aanay wanaag sanayn.
Ma ahaan markii ugu horaysay ee dil noocan OÖ kale ahi ka dhaco dalka Jarmalka barlse waxa marar kala duwan dhacay dilal dhalinayrada Somalida kuwooda ku dawakhay dalkan Jarmalku ay isu gaysteen iyo kuwo dadyawga kale ee ajaaniibta ahi u gaystaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here