Beelweynta Solomodow Oo Foorihii Guusha KULMIYE Burco Lingaxa Ugu Adkaysay Iyo Xisbiga WADDANI Oo Faromadhnaan Kala Soo Noqdey Taageero Uu Ka Filayey Qoorweynta Iyo Siyaasiyiinta Beelaha Solomodow Oo Taageero Heensaysan Cududooda Ugu Muujiyey Muuse Biixi Iyo Balan Qaad Naadir ah Oo Ay ku Sooreen

0
987

 Beelweynta solomodow ayaa ka badheedhay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo sida ay u dhisayaan Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxaaney xaflad markhaati fur ah marag u gadhigeen sida ay badheedhaha uga yihiin in codka deegaankooda ayaala ay ku dooranayaan muuse biixi cabdi,

Xaflad shirraban oo ka dhacdey magaalada burco ayey qoorweynta, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka beelaha solomodow isku kala bixiyeen xaflad seexanwaa ku ridey xisbiyada mucaaradka waxaaney dhoolatus ugu gaardiyeen in beelweynta solomodow ay jabiyeen derykii mucaaradka isla markaana ay lingaxa u adkeeyeen in mar kale hogaanka dalka haneedo xisbiga KULMIYE.

Sidoo kale beelweynta solomodow ayaa u quus goysay xisbiga WADDANI oo quud-dareynayey inay codka helaan deegaanada beeshaasi ka soo jeedo kuwaas oo si indho sarcaada uga beensheegay inay haystaan codka deegaanada beelaha solomodow.

Qoorweynta iyo siyaasiyiinta beelweynta solomodow ayaa si isku mid ah badka u keenay taageero heensaysan oo ay ugu musharadayaan cududa kulmiye ay ku biirinayaan waxaanay murrashax muuse Biixi cabdi ugu bushaareeyeen inuu ka wer-werin codkooda marka foodka la gaadho ay ugu hiilinayaan kursiga madaxweyne nimo.

Siyaasiyiinta beelaha solomodow ayaa xisbiga mucaaradka ah far weyn ugu dhigay inuu ka quusto codka deegaanada ay abtirsiin ahaan ka soo jeedaan kuwaas oo dhawaaqyo oofwareen ku noqdey murashaxa waddani ku ganey iyagoo si weyn sheegay inaaney jirin taageero deegaanadan u taala.

Dhanka kale waxaa weedho adhax jab ah lagu ganey hogaamiyaha waddani xirsi oo ka beensheegay in dhalinyaro deegaanka ah ay taageersan yihiin halkaas oo quus hungo iyo faro madhnaan ah uu kala kulmay taas oo sabab u noqotay inuu orod ku soo galo magaalada hargeysa ka dib markii lagu cidleeyey hoteeladii burco iyo taageero uu ka filayey beesha solomodow. Talaabadan ayaa ah mid lingaxa u adkaysay guusha kulmiye taas oo foorihii guusha kulmiye ka curtay deegaanada beelaha solomodow .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here