Ciidamada Booliska oo Gacanta Ku Dhigay Rag Hubaysan oo Ku Dhuumanaayay Dhulka kaynta ah ee Degmada Sayla.

0
792

Ciidamada Booliska oo Gacanta Ku dhigay Raga Hubaysan oo Ku dhuumanaayay Dhulka kayntaa ee Degmada Sayla.

Ciidamada booliska ee degmada Sayla oo shalay gacanta ku dhigay niman aan la aqoonsan oo ku hubaysnaa culus.

Ciidamada booliska ee somaliland ee ka hawlgalla degmada sayla oo ka tirsan gobolka hawd. ayaa hawl gal ay ku qaadeen ku soo qabtay sadex ka mid ah afar nin oo hubaysan isla markaana ku dhuumanayey meelo ka mid ah kaymaha degaanka sayla.

Warbaahinta oo wax ka weydiisay gudoomiyaha degmada sayla balse wuu ka gaabsadey inuu wax tafaasiil ah kabixiyo maadaama ay gacanta ku hayaan baadhitaanka hawshan ciidanka booliska.

Dhacdadan ayaa ahayd mid aan somaliland lagu arag iyadoo wakhtigan loo diyaar garoobayo doorashadii madaxtooyada.

Ciidamada booliska ee somaliland ayaa noqday ciidamo aad u feejigan oo isla markaana ku sugan degmo kasta iyo tuulo kasta oo ka mid ah somaliland.

Sidoo kale waxay ciidamada booliska ee somaliland ayaa ah ciidamo ka dhisan xaga qalabka iyo gaadiidkaba taasina waxay suurto galisay in ay sifudud uga hawl galaan dhacdo kasta oo loo arko inay waxyeelo ku tahay amniga iyo nabad galyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here