Dhallinyarada KULMIYE oo Hawlo Dardargelinta Xisbiga ah ka Sameeyey Degmooyinka Sheekh iyo Qoyta

0
596

Dhallinyaro ka mid ah kuwa xisbiga KULMIYE, ayaa hawlo qayb ka ah dardargelinta xisbiga ee u diyaargarowga doorashada Madaxtooyada 13-ka November 2017 ka sameeyey deegaannada hoos yimaada degmada Sheekh iyo Qoyta.

Dhallinyaradan oo ka ambabaxay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil waxay shirar iyo kulamo is-xogwaraysiyo ah la yeesheen dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka Laalays, Hudisa iyo Geeloo-kor, intaa kadibna waxay kulamo la qaateen dhallinyarada iyo haweenka ku nool magaalada Sheekh oo ay isku boorriyeen taageerada iy sidii ay u garab-istaagi lahaayeen xisbiga KULMIYE.

Waxa kaloo ay dhallinyaradani booqdeen deegaannada hoos yimaada degmada Qoyta ee Gobolka Togdheer oo bulshada ku dhaqani ay si wayn ugu soo dhaweeyeen, kuwaas oo goob fagaare ah oo ay isugu soo baxeen kala hadleen u diyaargarowga ololaha doorashada iyo codbixinteeda oo ay si hagar la’aan ah ugu codeeyaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Dhammaan deegaannada degmooyinka Sheekh iyo Qoyta ee dhallinyarada KULMIYE socdaalka ku mareen waxa dadweynaha ku dhaqani u muujiyeen inay si aan kala hadh lahayn u taabacsan yihiin xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi, iyagoo niyadda ku haya abaalka uu dad ahaan iyo dal ahaaba uu ku leeyahay, isla markaana rumaysan inuu yahay hoggaamiyaha ugu habboon xilligan ee wax ka qaban kara baahiyaha kala duwan ee bulshadu qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here