Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyaanle Waxa Uu Ahaa Nin Weyn Oo Bulshada Somaliland Dhexdeeda Caan Ka Ah.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

0
651

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shacbi weynaha reer Somaliland ka tacsidadeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.

wasiirka oo ka mid ahaa Masuuliyiin Madaxweyne SIilaanyo hogaaminayey oo maanta ka qayb galay aas qaran loo samaayey maydka Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa marxuunka ku tilmaamay inuu Shaqi dalka wax badan soo gashaday oo dhaqan wanaagsanaa.

Hadaladii Wasiir Xaashi ayaa wax aka mid ahaa”  Geeridu waa xaq,  waxa aynu nahay adoomo ILAAHAY, dhamaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxa aynu maanta joognaa aaskii walaalkeen Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle. Waxaanu dhammaan shacbiga Somaliland ka tacsiyadynaynaa geeridaa ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, gaar ahaan waxaanu tacsi u diraynaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka soo jeeday, eheladii iyo asaxaabtii, waxaanu ILAAHAY ugu baryeynaa inuu u dambi dhaafo walaalkeen, naxariistii jano ka waraabiyo, inagana uu khaatumadeena khayr inoogu khatimoWasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Talyaanle) waxa uu ahaa nin weyn oo bulshada Somaliland dhexdeeda caan ka ah, waxa uu ahaa xildhibaan Gollaha wakiilada ah muddo ilaa sideed sano ah,  waxa uu ahaa nin mab’da adag, aamin-san qaranimada Somaliland oo caan ku ah, waxa uu ahaa nin shaqsiyad sharaf badan lagu xasuusto, waxa uu ahaa dadkii nabadayntii iyo dib u heshiistii dalka iyo dib u dhiskii ka soo qayb qaatay, Maareeyaha madbacada qaranka ayuu ahaa, waxa uu ahaa nin bulshada dhaqan wanaagsan dulqaad iyo kaftan caan ku ah, is amaani mayno marka aynu dhimano, waa dhaqankii lagu yaqaanay, aragtiyadaha waa lagu kala duwanaan karaa ceebna maaha, waa laysku ixtiraamaa. Waanu u ducaynaynaa walaalkeen, dhamaanteena ILAAHAY Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here