Komishanka Doorashooyinka Oo Hirdankii Siyaasadda Xisbiyadda Xeer Adag Ku Soo Xidhay Iyo Sadexda Murrashax Oo Saxeexay

0
748

Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddoomiyaasha saddexda xisbi qaran ee Ucid, Kulmiye iyo Waddani ayaa maanta xarrunta Komishanka ku kala saxeexday Xeerka Hab-dhaqanka Doorashada Madaxtooyada ee 2017 isla markaana waxa lagu shaaciyay Murashixiinta buuxiyay shuruudaha murashaxa iyada oo loo eegayo Qodobka 82aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. munaasiban oo uu daadihinayay La-taliyaha Arrimaha Sharci ee Komishanka Doorashooyinka Garyaqaan Xasan Faarax Maxamed, waxa uu xusay in munaasibadu tahay laba arrimood oo is barkan, oo ta hore tahay Saxeexa Xeerka Hab-dhaqanka Xisbiyadda iyo tan labaad oo ah in la gudoonsiiyo Murashixiinta doorashada Madaxtooyada cadaynta murashaxnimo.
Ugu horayn waxa munaasibada furay Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame, oo si kooban uga warbixiyay ujeedada Xeerka Hab-dhaqanka cida lagu maamulayo, iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay Xeerarkii hore ee Hab-dhaqan. Guddoomiyuhu isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu xusay, in Xeerka Hab-dhaqan loogu talo-galay in uu hago hab-dhaqanka xisbiyada, murashixiinta, masuuliyiinta xisbiyada, hogaankooda iyo taageerayaashoodu, si ay inoogu qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah, oo bilaa xanaf ah, hufan, oo daah-furan isla markaana ku dhisan sharciga iyo ixtiraamka sharciga.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in Xeerka ay adkeeyeen kuna dareen, talaabooyin adag oo laga qaadayo cid kasta oo ku xad-gudubta ama jabisa, oo ay ka mid yihiin ganaax gaadhaya ilaa 200,000,000 (laba boqol oo milyan), In xisbiga jabiya maalmaha ay leedahay ololaha laga joojin karo, In xisbiga jabiya laga joojiyo adeegsiga saxaafada, cida nabadgalyada waxyeelaysa ama amni darro kicisa in xadhig lala tiigsan karo.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay waxyaabaha ka reeban axsaabta mudada doorashada oo ay ka mid yihiin: ololayaasha ku dhisan qabiilka, caytanka, shakhsi weerarka, fidno abuurka, hantida qaranka oo olole xisbi loo adeegsado, iyo shaqaalaha dawlada oo olole xisbi gala.
Ugu danbayn, Guddoomiyuhu waxa uu ku booriyay axsaabtu in ay ixtiraamaan, kuna dhaqantaan, taageerayaashooda, hawl-wadeenadooda, iyo hogaankoodana ku wacyigelisaan oo ay baraan kuna dhaqmaan qodobada Xeerkan Hab-dhaqanka.
Intaa kadib, waxa munaasiba ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID, Muddane Faysal Cali Xuseen, waxaanu bogaadiyay Komishanka Doorashooyinka, waxa uu sidoo kale xusay in ay tahay Doorashadii saddexaad ee uu galayo tartan, isla markaana waayo aragnimo dheeraad ah u leeyahay doorashooyinka oo aanay ku cusbayn.
Waxa intaa kadib hadalka qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Murashaxa Madaxweyne, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Waxanu xusay in ay aqbalayaan kuna dhaqmayaan Xeerka Anshaxa ee axsaabta isla markaana diyaar u yihiin in dhaqangelintiisa, Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in beesha caalamku Somaliland kala masuugtay xuquuqdii ay lahaayeen oo ah in ay ka mid noqdaan bulshada caalamka, iyaga oo maalin walba ka hadla xuquqda aadamaha, taasi oo uu ku tilmaamay mid aan is-qabanayn, Guddoomiyuhu wuxuu kula dardaarmay murashixiinta iyo dadweynahaba in ay nabadgelyada ilaashadaan, isla markaana ku talo-galaan in laba murashax oo kali ahi ku guulaysan doonaan kursiga, sidaa darteed loo baahan yahay in murashuxu ku talo-galo in uu guulaysto iyo in laga guulaystaba.
Waxa intaa kadib hadalka qaatay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Muddane C/raxmaan Maxamed C/laahi, ahna murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani waxanu balan qaaday in ay aqbalayaan natiijo kasta oo sharci ah oo kasoo baxda Komishanka Doorashooyinka, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in ay dhawrayaan oo aan looga warwarayn nabadgalyadda.
Qaybta danbe ee munaasiba waxa la Guddoonsiiyay murashixiinta u tartamaysa madaxweyne ama madaxweyne-ku-xigeen doorashada Madaxtooyada ee 2017,ee ay soo sharaxeen saddexda xisbi qaran, kuwaas oo buuxiyay shuruudaha murashaxa u tartamaya madaxweyne ama madaxweyne-ku-xigeen, iyada oo loo eegayo Qodobka 82aad ee Dastuurka cadaynta murashaxnimo ee rasmiga ah, waxana mid mid Komishanka hortiisa uga akhriyay cadaymaha ay soo gudbiyeen iyo waraaqaha ay kusoo lifaaqeen Komishaneer Siciid Cali Muuse, ugu danbayn munaasibada waxa soo afmeeray Guddoomiye-ku-xigeenka
Komishanka Mudane: Maxamuud Xasan Wacays oo dardaaran iyo waano siiyay murashixiinta iyo xisbiyada qarankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here