AWDAL: Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhacay Tuulada Fardo Lagu-xidh Ee Degmada Lughaya

0
1036

Hal Qof ayaa ku dhintay, Afar kalena way ku dhaawacmeen deegaanka Fardo Lagu-xidh ee Degmada Lughaya ee Gobolka AWDAL ee Somaliland, ka dib markii uu ku dumay Ceel-biyood ay halkaa ka qodayeen Doraad.

Alle ha u naxariistii Ninka dhintay iyo Afarta dhaawacmay ayaa waxa ku dumay Ceel-biyood ay u qodayeen Beer la sheegay inay ku taallo tuulada Fardo Lagu-xidh, gaar ahaan Agagaarka Dugsiga Geb, waxaana markaasi ka dib Geeriyooday Nin Magaciisa lagu sheegay Abuubakar Liibaan Cumar, waxaana ku dhaawacmay Afar kale, kuwaasi oo Midkood Qabo dhaawac culus.

Sidaana waxa xaqiijiyey Haydh Tuulaha Fardo Lagu-xidh Saleebaan Cabdi oo u warramay Shabakadda Heemaal oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Warkan.

Haydh Tuuluhu wuxuu sheegay in Afarta Nin ee dhaawaca ah Midkood loo qaaday Degmada Garbo-dadar, kuwii kale oo aan dhaawacyadoodu cuslayna lagu hayo Fardo Lagu-xidh, “Mid ka mid ah ayaa dhaawaciisu halis yahay, waxaana loo qaaday Degmada Garbo-dadar, waxaanu ku jiraa Kooma..”ayuu yidhi, Saleebaan Cabdi Muuse.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here