Wasiir Isku Casilay Fadeexado Ka Dhashay Lacago Ku Baxay 26 Safar Oo Uu Galay

0
562

Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumadda Donald Trump ayaa xilka iska casilay Shalay,  kadib markii ay soo baxday fadeexad ku aadan kharash badan oo ku baxay safarro uu u kireystay diyaarado khaas ah.

Toddobaadkan ayey saxaafadda Maraykanka si weyn u hadal hayeen boqollaal kun oo dollar oo ku baxay duulimaadyada khaaska ah ee Wasiir Tom Price oo hadda kamid noqday xubnaha sar sare ee iska casilay xukuumada Donald Trump.

Wasiirka ayaa 26 safar uu galay ay ku baxday in ka badan 400.000 dollar.

Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa si weyn u dhibsatay warbixinada saxaafadda ee la xidhiidha kharashka badan ee ku baxa safarrada mas’uuliyiinta sar sare ee xukuumadda Trump oo hore u sheegtay inay beekhaamin doonto kharashka ku baxa Hay’adaha dowlada.

Mr.Price ayaa sheegay inuu dib u bixinayo qeyb yar oo ka mid ah kharashkii ku baxay safaradiisa lacag ka badan 51 kun oo dollar, lacagtaasi oo aad uga yar kharashkii isaga ku baxay.

Wasiirkan ayaa hore ugu fashilay inuu ka midho-dhaliyo ballanqaadkii Madaxweyne Trump ee ahayd in la beddalo Sharciga Caymiska caafimaadka dalkaasi ee loo yaqaan ObamaCare oo ay xisbi xaakimka labo jeer ku fashileen inay laalaan.

Tom Price oo hore u soo ahaan jiray dhakhtar isla-markaana muddo 10 sano ah xubin kasoo ahaa Kongareeska Maraykanka ayaa markii xilka loo magacaabay sheegay inuu wax weyn ka beddali doono nidaamka iyo adeegga caafimaad ee dalkaasi, walow balanqaadkaasi uu ku guuleysan waayey.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here