DHACDO UGUB AH: Tuug Lagu Qabtay AWR Uu Soo Xaday, Oo Toogasho Ku Dilay Nin Ka Mid Ahaa Rag Raad-gurayey

0
622

Ciidammada Booliiska ee Gobolka Saraar ayaa Gacanta ku dhigay Nin ku eedaysan inuu deegaanka Ceelal ee Gobolka Saraar ku dilay Nin kale 28-kii Bishii dhammaatay ee September, 2017-ka.

Shir-jaraa’id Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar iyo Taliska Ciidammadu Shalay ku qabteen Magaalada Caynaba ayaa waxay kaga warrameen Dil ka dhacay Deegaanka Ceelal oo ka mid ah Gobolka Saraar, Dilkaasi oo loo geystay Muwaadin lagu Magacaabi jiray Fu’aad Saleebaan Aadan Nuur.

Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobolka Saraar Gaashaanle dhexe Mursal oo ugu horreyn Shirka jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahiyey sida uu u dhacay Dilkaasi oo uu ku eedaysan yahay Nin Lagu Magacaabo Yaasiin Xasan Saleebaan, waxaanu yidhi “Nin baa Awr ka soo dhacay (Xaday) Soonaha u dhow Burco, muddo dheer ayuu soo waday, dabadeedna markii uu marayey meel u dhow Ceelal oo la yidhaahdo Buurta Xafajo-dheere, ayaa waxa ka daba yimid Nin Raacdo ah oo Ninkaa daba-socday oo Baabuur watay. Nimankii Raacdada ahaa markay Ninkii iyo Awrkii arkeen ayay Gaadhigii ka soo dageen, qorina way la soo dageen, markaas ayuu isaguna (Ninkii Awrka watay) Tacshiirad ku huwiyey (Raggii Raacdada ahaa) halkaa waxa ku dhintay Marxuum la odhan jiray Fu’aad Saleebaan Aadan, kaasi oo aanu inuu Dilkiisa ku eedaynayno Eedaysane Yaasiin Xasan Saleebaan, Ninkaas oo ah Ninkii Awrka watay ee Tuugga ahaa. Dilkaasina wuxuu dhacay Lixdii Galabnimo, 28/09/2017-ka..”

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar Nuur Qaasim Qodax oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Ciidammada Amniga, gaar ahaan Booliiska Gobolka Saraar ku ammaanay Hawl-gal ay ka fuliyeen Deegaanka Dilku ka dhacay, kaasi oo ay ku soo qabteen eedaysanaha Dilkan ku eedaysan.

Badhasaab ku-xigeenku wuxuu Tacsi u diray ehellada iyo Qaraabada uu ka baxay Marxuumka dhintay.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu geysto Nin ku eedaysan Tuugnimo, isagoo isku deyaya inuu difaacdo wixii uu soo xaday ama soo dhacay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here