Monday, May 13, 2024
Home Muuqaalo Ganacsade Jabuutaawi oo ku Wareejiyey Madaxda KULMIYE Agab Badan oo lagu Xardhay...

Ganacsade Jabuutaawi oo ku Wareejiyey Madaxda KULMIYE Agab Badan oo lagu Xardhay Astaanta Xisbiga

0
860

Ganacsade Maxamed Cabdiraxmaan Jabuutaawi oo ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, kana soo jeeda Gobolka Sool, ayaa agab fara badan oo lagu soo xardhay astaamaha KULMIYE ku wareejiyey madaxda xisbiga, taas oo loogu talogalay in loo isticmaalo ololaha doorashada.
Agabkan oo ka kooban 10 kun garamo lagu qurxiyey calanka iyo sawirka Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE ah, 10 kun oo calanka xisbiga ah, 10 kun oo koofiyadood oo lagu sawiray calanka iyo 10 kun oo dalladaha la hadhsado ee gacmaha lagu qaato ah, kuwaas oo lagu soo sameeyey dalka dibaddiisa, ayaa ganacsade Maxamed Jabuutaawi u deeqay xisbiga KULMIYE, waxaannu sheegay in alaab kale oo uu ugu talogalay in xisbigu ololaha ku galo ay dhawaan iman doonto.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan ka dhacay Hargeysa maanta oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Xuseen Aadan Cadde iyo saraakiil kale kaga guddoomay deeqdan ganacsade Maxamed Jabuutaawi, iyadoo si wayn loogu mahadceliyey ganacsadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

%d bloggers like this: