Dacwad Uu Xisbiga KULMIYE Gudbiyey Oo Guddiga Anshaxa Doorashooyinku Kaga Jawaabeen Ganaax Ay WADDANI Dul-dhigeen
Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka ee Komiishanka Qaranka, ayaa Ganaax lacageed dul-dhigay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, kaasi oo lagu eedeeyay inuu olole Sharci-darro ah ka sameeyay Magaalada Balligubadle.
Warka Guddiga Anshaxa KomiishankaGuddiga Ilaalinta Anshaxa ayaa War-saxaafadeed ku taariikhaysan 2-dii bishan Oktoobar, waxay ku sheegeen in Xisbiga WADDANI uu sameeyay Xeerka Anshaxa Doorashada, iyada oo aan la gaadhin ololaha Doorashadana uu Balligubadle ka sameeyay olole sababi gaadhay Amni-darro, sidaas darteed-na lagu ganaaxay 50 Milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo Digniin kama dambays ah.
Ganaaxan oo ka dambeeyay Dacwad uu KULMIYE ka gudbiyey WADDANI, ayaa waxay Guddigu War-saxaafadeedkoodu ku yidhaahdeen sidan “Guddiga ilaalinta nshaxa Doorashooyinka iyagoo ka duulaya Qodobka 25-aad ee Anshaxa Doorashooyinka ee Tixraaciisu yahay KDQ/XK/118/017, oo siinaya awoodda inay hubiyaan meel-marinta Xeerka Hab-dhaqanka Siyaasadeed iyo ka qaadista tallaabo Anshax-marineed Xad-gudub kasta oo Guddigu ogaato. Iyagoo ku xisaabtamaya inaan weli si Sharci ah loo bilaabin ololaha Doorashada, Komiishankuna aanu fasixin wax olole Doorasho ah, si waafaqsan qodobka 33-aad ee Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka (Xeer Lr. 20/2001) ee kaabid iyo wax ka beddel lagu sameeyay 2017.
Tixraaca lambarkeedu yahay XK/XAX/0042271/2017 ee ku taariikhaysan 02/10/2017 ee uu soo gudbiyey Xisbiga KULMIYE. Iyagoo ogsoon in Xisbiga WADDANI uu sameeyay olole Qayrul-Sharci ah oo baal-marsan Xeerkii Anshaxa ee ay saxeexeen laba Cisho ka hor, isla-markaana ballan-qaadeen fulintiisa, balse ay si badheedh ah uga baxeen iyagoo Magaalada Balligubadle ka sameeyay olole Sharciga Baal-marsan oo Amni-darro Sababi gaadhay.
Guddiga Anshuxu markay ku qanceen dhammaan Arrimahaa kor ku xusan waxay soo saareen Go’aankan:-
Waxa Xisbiga WADDANI la siiyey Digniin culus kama dambays ah, inuu ka waantoobo ololaha Sharciga garab-marsan.
Waxa Xisbiga WADDANI lagu ganaaxay lacag shan 50,000,000 (Konton Milyan oo Shilin Somaliland ah).
Waxa Xisbiga WADDANI mar labaad looga digayaa inuu sameeyo Olole dambe oo Sharciga Baal-marsan, isla-markaana waxa lagu adkaynayaa inuu fuliyo ballan-qaadkii uu sameeyay ee ahaa inuu ku dhaqmayo xeerka Anshaxa.
Guddiga Ilaalinta Anshaxa Doorashooyinka
Sucaad Ibraahim Cabdi – Guddoomiye
Maxamed Cabdillaahi Bootaan – Guddoomiye ku-xigeen
Cabdiqaadir Cismaan Xirsi – Xoghaye
Aadan Xuseen Maxamed – Xubin
Cabdiraxmaan Aadan Maxamed – Xubin
Sh. Cali Aadan Samatar – Xubin
Yaasiin Qalinle Kaahin – Xubin.