Shil Gaadhi oo sababay dhimasho iyo dhaawac isla markaana u rarnaa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka dhacay deegaanka qoyta oo 20Km u jirta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxaana dhaawaca shilkaasi ka dhashay loola soo cararay laguna dawaynayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Burco.
Taageerayaasha dhimashada iyo dhaawacu soo gaadhay ayaanay wali ka soo bixin wax war ah iyo faah faahin ku saab san amuurtan xisbiga WADDANI-na sidii lagu yaqaanay inuu dhacdooyinkan oo kale ka yeelo ayuu afka xidhay walina lama xaqiijin tirada rasmiaga ee dhaawacan tay waxaana dhimashada lagu koobay Darawalkii gaadhiga waday.
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in dhaartii uu Murashax Cirro kitaabka ku dhaariyey isla markaana uu kaga baxay ay tahay sababta kaliya ee Waddani iyo dhimashada faraha badan isku daba socdaan waxaana la ogsoon yahay in xisbigu safar kasta oo u galo ay dhimasho iyo dhaawac ka dhashaan.
Shilalka xisbiga Waddani uu la kulmo inta uu safarada ku jiro waxa ugu xumaa shilkii dhalinyarta badan ku dhinteen ee duleedka Burco ka dhacay sidoo kale waxa jiray Shil gaadhi oo gaadiidka Murashaxa Waddani ay darawal gawaadhida dukhaanta loo yaqaano wataa ay six un iskugu dhajiyeen isagii iyo muraayada hore ee gaadhiga waxaan shilkaasi dul tagay oo gaadhiga uga degay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo oo wakhtigaasi halkaasi safar ku marayey.