Burco Oo Noqotay Burjiga Guusha Doorashadda Madaxtooyadda + Salaadiin Burco Iska Xaadiriyey Iyo Murrashaxa WADDANI Oo Gabno Gudhan Ka Jooga Guushii Gacmihiisa Ku Gaaxatay

0
834

Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo xarun u noqon doonta xisbiyada Somaliland isla markaana ah halka lagu hirdamayo codkeeda gaar ahaan Bariga Burco ayaa durba waxa soo baxaya awood wiiqantay oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu kala kulmay magaaalada Burco.
Taageero xisaab isku dhufasho ah oo xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI isku gaystay dhanka Taageerada Burco ayaa noqotay arin hungo ah waxaana xisbiga WADDANI uu faro madhnaan ka joogaa Taageerada Burco iyo kaanbaynkii siyaasadeed oo lagaga ciyaar batay.
Xarumaha u furan xisbiga WADDANI ee magaalada Burco gaar ahaan Bariga ayaa haawanaya qaarkoodna waxa u xidhan Al-baabada oo 24-ka saacadoodba wax dhaq dhaqaaq ahi kama socdo sidoo kale Calamada xisbiga WADDANI ayaan muuqasho ku lahayn gudaha magaalada Burco.
Xisbiga WADDANI ayaa Magaalada Burco ka aloosay arimo kala qaybin shacabka ah oo uu laba daamood ugu kala abtiriyey isla markaana Murashaxa xisbiga WADDANI waxa uu habaaray ganacsato  beesha Bariga Burco ka soo jeeda halka aanu juuq ka odhan ganacsatada dhigooda ah ee Galbeedka Burco oo uu u reernimo xagliyey waxaana arimahaasi sababeen in dhulka la dhigo Taageerada iyo calamada xisbiga WADDANI.
Dhinaca kale Hogaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faro madhnaan ka istaagay taageerada Bariga Burco oo uu ku faani jiray in aqlabiyada codka beesha uu ka soo jeeda ay ku ridayaan halka uu farta ugu fiiqo arintaasi oo aanay waxba ka fulin waxaana uu xafiisyada xisbiga ee Kaanbaynka ka dhigtay galbeedka magaalada Burco.
Sadexda xisbi qaran ayaa u guuri doona magaalada Burco waxaana Siyaasiyiinta ugu shilis xisbiyadu fadhi ka dhigan doonaan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo ah halka lagu kala badinayo iyada oo la shaxeeyey siyaasadda lagu kala calaf qaadi doono ee xisbiyada Somaliland waxaana la filayaa in maal maha soo socda xisbiyadu u heeryeysan doonaan magaalada Burco.
Waxaana darka siyaasada ee burco tuban salaadiinta labada murashax ee xisbiyada kulmiye iyo waddani kuwaas oo quud daraynaya inay ujilba dhigaan shirar tawaawac ah oo ay codku weydiisanayaan beelaha bariga burco waxaana ilo wargeyska sahan helayo tibaaxayaan in bari subax ay fooda is dari doonan salaadiin tiradooda lagu qiyaasay ilaa saddex boqol oo ergo oo ka kala socota beaalaha subeer awal iyo beelaha bariga burco kuwaas oo xaraarada siyaasadeed ee dalka kor uqaadey halka wali kulankoodu madi yahay qoorweynta codka u baadi doonaysa murashaxa waddani waxaana diirada lagu hayaa qoddobada bari ka soo baxa shirar doceedyada labada ardaa ee burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here