Xafiiska Hanti Dhawrka Guud Oo Galka Seefta Ka Saaray Iyo Nuxurka Awaamiir Culus Oo Uu Dul-dhigay Wasiirro Iyo Agaasimayaal Dhego Adayg Kaga Jawaabay Wareegtadii Madaxweynaha

0
670

Hanti Dhawraha Guud ee qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mire ayaa amaro culus dul dhigay Wasiirada iyo masuuliyiinta Dawladda Somaliland oo uu faray in sumada qaranka lagu dhajiyo gaadiidka Dawladda waxaana u sheegay in boqolkiiba Konton aanay masuuliyiinta xukuumadu fulin amarkii Madaxweynaha ee la xidhiidhay ilaalinta Hantida Qaranka.
Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland sidoo kale waxa uu sheegay kulan khaas ah oo Madaxweyne Silaanyo ugu yeedhay Wasiirada Arimaha Gudaha. Hawlaha Guud iyo taliyaasha Booliska waxaana uu sheegay in madaxweynuhu faray dhamaan masuuliyiintaasi in sida ugu dhakhsaha baadn gaadiidka Dawladda loogu dhajiyey sumada qaranka ee ay leeyihiin.
Mudane Siciid Saleebaan Mire Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland ugu horayn waxa uu sheegay mar hadi lagu jiro marxalad xaasaasi ah oo kala guur ah in la kaydiyo hantida qaranka waxaana uu yidhi. “waxaynu ku jirnaa wakhti xaasaasi ah oo doorashooyin aynu galayno waxa loo baahan yahay inaynu laba jibaarno ama sadex jibaarno shaqadii ay Hay’addani qaranka u haysay ee ahayd ilaalinta iyo dhawrida hantida qaranka.”
Waxa uu Hanti Dhawrka guud shaaciyey inay bilaabayaan Tiro-koobka hantida qaranka Somaliland iyaga oo kaashanaya ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan ilaalada Wadooyinka waxaana uu yidhi. “Waxaanu bilaabaynaa tira koobka iyo diiwaangalinta gaadiidka Dawladda gaadiid dawladeed oo badan ayaa jira oo sita Nomber cad gaadiidkaasi waxa loo bixiyey amni ahaan balse wadankeena ma jirto cabsi amni oo la odhan karo waxa loo qaadan karaa Nomber cad ma jirto wadankeenu boqolkiiba boqol waa nabad galyo waxa nala shaqaynaya ciidanka Booliska kuwa wadooyinka iyo ciidanka Booliska ee kale.”
Sidoo kale Hanti dhawraha guud ee Qaranka Somaliland Siciid Mire waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo iskugu yeedhay xubnaha ay arintani khusayso awaamiir culusna oo faray dhamaan xubnaha arintani ku shaqada waxaana uu yidhi. “Waxaan masuliyiinta Dawladda u soo jeedinayaa inay fuliyaan oo ay u dhago nuglaadaan amarada Dawladda khaasatan gaadiidka Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidku warqad ayuu ka soo saaray golaha wasiirada waa lagaga hadlay oo Madaxweynuhu warqad ayuu ka soo saaray shir kale oo gaar ah waa lagaga hadlay oo Madaxweynuhu iskugu yeedhay inta ay khusayso oo ay ka mid yihiin Wasiirada. Hawlaha Guud. Arimaha gudaha. Iyo taliyayaasha boolisku intuba goob joog ayey ahaayeen amar ayuu ku siiyey in gaadiidkaas sida ugu dhakhsaha badan loogu qoro sumada Dawladda ilaa hada shaqada boqolkiba konton ayaa fushay kontona may fulina waxaan halkan fariin u marinayaa masuuliyiinta qaranka gaar ahaan Wasiirada Agaasimayaasha iyo cidkasta oo ay khusayso in arinta loo dhago nuglaado oo la fuliyo amarka Madaxweynaha”
Ugu danbayn Hanti Dhawraha guud ee qaranka Somaliland waxa uu shaaciyey in dhamaan hantida qaranku uu leeyahay la diiwaan galin doono isla markaana u dirayo kooxo shaqaale ka ah xafiiska Hanti dhawrka guud ee qaranka waxaana uu yidhi. “waxa loo baahan yahay agabka Dawladda haduu Gaadid yar yar yahay haduu gaadiid waawayn yahay cagafyada iyo iska rogooyinka wax kasta oo hanti qaran ah oo qaata sumada Dawladda waxa loo baahan yahay sida ugu dhakhsaha badan leh in loogu dhajiyo sumada qaranka dhamaan shaqaalaha hanti dhawrka qaranka waxa ay u bixi doonaan dhamaan gobolada dalka iyo Dawladaha Hoose waaxda dawladaha hoose ayaanu samaynay waxa ay u bixi doonaan gobolada dalka iyaga oo tira koobaya gaadiidka Dawladdaha hoose waxa la farayaa in xarun kasta loogu yimaado Gaadiidkii Dawladda oo leh sumadii qaranka.” Ayuu yidhi Hanti Dhawraha guud ee qaranka Somaliland Siciid Saleebaan Mire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here