Wasiir Cali Mareexaan Oo Faaqidey Doodii Murrashaxiinta Iyo Saddexdii Murrashax Oo Uu Ku Kala Saaray Mid Walba Wixii Masraxa Layimi

0
483

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa falanqayn ku sameeyey doodii sadexda Murrashax ee xisbiyada Somaliland dhex martay taariikhda markii u horaysay waxaana uu ka hadlay hanaankii loo kala guulaystay.

Kaalinta sadexaad waxa uu sheegay inuu qaatay Murrashaxa xisbiga Waddani halka Murrashaxa Kulmiye todobo qodob oo uu si waafi ah uga hadlay ay siisay inuu kaalinta 1aad u galo dooda sidoo kale wasiirku waxa uu amaanay af-tahanimadii Murrashaxa xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Ugu Horayn Wasiir Cali Mareexaan waxa uu ka hadlayaa hanaankii doodu u dhacday waxaana uu yidhi. “waxaan odhan karaa inkasta oo aad mooday in su’aallaha badankoodu ay isku soo noq noqonayeen meelaha qaarna ay murashaxiintu isku mid ay ka ahaayeen hadana marka aad gaar gaar u sii gasho waxad moodaysay Faysal Cali Waraabe oo kale inuu aftahanimo badan muujinayey oo hadalkiisu si daran doori ah isku daba socday oo mararka qaar dadku aad ugu qoslayeen oo sacab in loo tumo lagu siganayey Murrashaxa Kulmiye waxaan odhan karaa todobo qodob ayaa jiray oo uu xooga saaray si waafi ahna uga jawaabay.”

Sidoo kale wasiir Cali Mareexaan waxa uu soo bandhigay qodobada Murrashax Muuse Biixi kaga adkaaday labadii Murrashax ee la doodayey waxaana uu yidhi. “Qodobka 1aad waxa uu ahaa arin in badan Somaliland is waydiisay oo ahayd sidee Qabyaalada looga baxayaa? Markaa Murashaxu waxa uu isku xidhay Dawladnimada iyo sida qabyaalada looga baxayo qofku wa inuu helaa xuquuq waa inuu helaa cadaalad waa inuu helaa Garsoor hufan oo daacad ah waa inuu helaa amnigiisa intaa marka ay Dawladdu la wareegto waxa yaraanaysa ku tiirsanaanta qabiilka marka ku tiirsanaanta qabiilku yaraato waxa uu aaminayaa dawladnimadii Qodobka labad waxa uu ahaa inuu si hufan uga hadlay amniga iyo xoojintiisa qodobka sadexaad ee isna waafiga ahaa ee la filayey waxa Murrashaxa Kulmiye mawqif adag iska taagay qadiyada Somaliland.”

Ugu danbayn Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Mudane Cali Mareexaan waxa uu ka hadlay cida qaadatay Guushii dooda waxaana u kaalinta sadexaad siiyey Murashax Cabdiraxman Cirro waxaana uu yidhi. “anigu dee markaan eego waxaan odhan karaa waxaa badiyey murashaxii aan anigu waday mana aha inaan iska faaninayee waxa ay ahayd doodu way qodobaysnayd inta badana waxa ay u badnayd wax bulshada taabanaya waxaanay u salaysnayd waayo aragnimo xaga Somaliland ah laakiin markaad dad badan waxa ay aad ula dhacsanaayeen Faysal Cali Waraabe sida uu u doodayey oo isagana lama dhayalsan karayn kaalinta sadexaad way iska cadayd inuu Cirro galay marka xaqiiqda laga hadlayo” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here