Wasiirkii Hore Warfaafinta Somaliya Oo Dhayda Ka Cadeeyey In Somaliland Hogaanka U Hayso Dimuqraadiyada Bariga Africa Kuna Bogaadiyey Hananka Doorashada Loo Waddo

0
499

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliya Mudane Maareeye oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay wakhtigana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya shaqsi ahaana ka soo jeeda Somaliland ayaa waxa uu cadeeyey in Somaliland hogaanka u hayso Dimuquraadiyada Bariga Afrika waxaana uu ku hanbalyeeyey hanaanka ay u wado doorashooyinka Somaliland.

Maareeye waxa uu sheegay in Somaliland ku guulaysatay dhismaha Dawladd iyo Hay’addo shaqaynaya oo tiirar adag ku taagan waxaana uu ILLAAHAY uga baryey in doorashadu nabad galyo ku dhamaato waxaana uu yidhi.  “waxaan jecelahay inaan u hanbalyeeyo Dawladda iyo shacabka Somaliland iyo horumarka wayn ee ay ka sameeyeen nidaamka Dawliga ah iyo sida ay ilaa hada ugu guulaysteen inay samaystaan nabad iyo inay nidaam Dawladeed iyo Hay’addo dawladeed oo shaqaynaya samaystaan inay nidaam doorasho oo runtii aan dhihi karo kan Afrikada bari qaarkood wuu ka horeeyaa inay samaystaan aad iyo aad ayaan ugu hanbalyeynayaa waxaan u rajaynayaa ILLAAHAY uga baryayaa inuu doorashadaasi ku guuleeyo si nabad galyo ah oo guul ah ku dhamaato.”

Xayir Maareeye sidoo kale waxa uu ka digay qaabka xisbiyadu u kaanbayn garaynayaan siyaasadooda waxaana uu sheegay in halis ay ku jirto nabad galyadii Somaliland oo daqiiqad ku bur buri karta waxaana uu yidhi. “waxay runtii laakiin dhaliil ka jirtaa qaabka Kaanbaynku u socdo xisbiyada iyo dadka xisbiyada taageersani ay kaanbaynka u wadaan oo aad moodo inay qaab qabiili ah ay ku kaanbayn garaynayan waa arin khatar ah oo runtii dhamaan waxaas oo wanaag ah ee aan Somaliland ka soo sheegay baabiin kara daqiiqad.”

Ugu Danbayn waxa uu dhaliilay culimada, Siyaasiyiinta, Iyo Madax dhaqmeed can ah oo uu sheegay inay si qaawan u kaanbayn garanayaan siyaasadda doorashada waxaana u yidhi. “waxaan ka xumahay in dad saamayn leh oo siyaasiyiin waawayn , dhaqan waawayn iyo culimo waawayn ay qaab qabiili ah oo qaawan ay wax ku kaanbayn garanayaan.” Ayuu yidhi Ex Wasiir Maxamed Xayir Maareeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here