“Wallaahi, Ma Aaminayno Somaliland Iyo Isaaq Illaa Ay Wax Nagala Qabtaan Maamulka Puntland” Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo

0
449

Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Dawladda Somaliland ka codsaday inay wax kala qabato Maamul-Gobolleedka Puntland oo uu sheegay inay dhibaato ku hayaan.

Cali Khaliif Galaydh oo hadal ka jeediyey kulan isaga iyo Madaxweynaha Somaliland ku kala saxeexdeen heshiis Midnimo oo lagu soo Gebogabeeyay Wada-hadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland oo Doraad ka qabsoomay Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar, ayaa sheegay in Maamul-gobolleedka Puntland ay doonayaan inay xoog ku soo galaan Xuduudka Somaliland, taasina tahay wax aan la aqbali karin oo u baahan in Tallaabo laga qaado.

Dr. Galaydh oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wallaahi, ma aaminayno Somaliland iyo Isaaq illaa ay wax nagala qabtaan Maamulka Puntland ee leh Qasab-baanu 30KM Xuduudka Somaliland ku soo galaynaa.”

Hoggaamiyaha Khaatumo waxa kale oo uu sheegay “Haddii aydaan kuwaa wax nagala qaban, hadda waa kuwaa Annaga (Duulaanka nagu ah) ee Ciidammadu ka joogeen Buuhoodle, ee Maamulka kale naga dul-dhisaya, ee imikana la leeyahay Ciidamo kale ayay qorayaan.”ayuu yidhi, isagoo Codsaday in Dawladda Somaliland ka dul-qaaddo Culayska Puntland ku hayso deegaannada Buuhoodle iyo Sool.

Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Dhaqdhaqaaqyo ku dhisan Hayb waxay ka sameeyaan Deegaannada ay Buuhoodle ka mid tahay, waxayna marmarka qaarkood halkaa keentaa Ciidamo ka soo horjeeda Kooxda Khaatumo ee uu Hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Puntland ayaa sheegata Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Somaliland, sheegashadaasi oo ku dhisan Qabyaalad, maaddaama oo Dadka Reer Somaliland ee deegaannadaa deggan ay isku hayb yihiin Dadka deggan Puntland.

Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Puntland, ayaa ka dhow Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe, laakiin Madaxda Maamulkaasi si Madax-bannaan ayay marmarka qaarkood u tagaan Buuhoodle oo ka mid ahayd Gobolka Togdheer ee Somaliland, wallow imika laga dhigay Gobol.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here