Lixdan Ruux Oo Ku Dhintay Qaraxyo Lala Beegsaday Masaajiddo Ay Salaaddii Jimcaha Ku Tukanayeen

0
484

Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ku dhawaad lixdan Qof ay dhinteen kaddib markii weeraro lagu qaaday labo Masaajid oo ku yaalo dalka Afghanistan salaadii Jimcaha ee Doraad.

Kooxda isugu yeedha khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerardan lagu qaaday goobaha lagu cibaadeysto ee dalka Afghanistan.

Weerarka hore ayaa Qof isa soo miidaamiyay waxaa uu isku dhex qarxiyay Masjid ay leeyihiin shiicada oo ku yaala magaalada Kabul, halka weerarka kalena uu ka dhacay Masjid kale oo ku yaala gobolka Ghor.

Dadka ay waxyeelada kasoo gaadhay weerararka lagu qaaday Masjidka Imam Zaman ee Kabul ayaa la sheegay inay tukanayeen salaadda jimcaha, waxaana qofka weeraraka geystay sidoo kale la sheegay in uu rasaas ku furay dadkii cibaadeysanayay ka hor intaanu is qarxinin.

Kooxdani ayaa hore u bartilmaameedsan jirtay masaajidada shiicada guud ahaan dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay Booliiska Afghanistaan oo lagu magacaabo Basir Mojahid ayaa xaqiijiyay in weeraradani, inkastoo aanu faahfaahinin qaabka ay wax u dhaceen.

Qof goob-jooge ahaa marka uu dhacayay weeraraka Kabul ayaa BBC-da u sheegay in goobta uu weeraraka ka dhacay ay noqotay furin dagaal.

Dowladda dalkaasi ayaa sheegtay inay wado baadhitaan lagu ogaanayo kuwii ka dambeyay weerarrada, inkasta oo mar horeba Daacish sheegatay.

Sarkaal sare oo katirsan koox taabacsan dowladda Afghanistan ayay sidoo kale wararku sheegayaan in uu ku dhintay weerarka ka dhacay gobolka Ghor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here