Wiil Ka Bedbaaday Qaraxii Soobbe Oo Laga Wareystay Wuxuu Arkay

0
516

Lix maalmood kaddib qarixii lagu halaagsamay ee ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya, waxaa weli socda gurmadka loo fidinayo dhibanayaasha.

Waxaa dadkaa ka mid ah, Ciise Xuseen oo laba maalmood ku jiray burburka hoostiisa.

“Gaadhi ayaan saarnaa, qaraxa markuu dhacay wuu iga tuuray gaadhiga, waxaana ku dhex dhacay holac wadada geeskeeda ah, waan ku dhex guurguurtay,” ayuu yidhi Ciise oo la hadlay BBC-da.

Wuxuu Ciise sheegay in uu gaadhi ka soo raacay dhanka lambar afar ee Magaalada Muqdisho, “Markaan Soobe soo gaadhnay ayuu qaraxa dhacay, waan wareeray, meel kastoo aan eegay dab ayaa iga xigay” ayuu yidhi.

Sida dowladda ay sheegtay, ugu yaraan 358 Qof ayaa ku dhimatay, balse laamaha caafimaadka waxay sheegayaan in tiro intaa ka badan ay ku dhinteen qaraxa.

Sidoo kale, waxaa cisbitaallada buuxiyey dadkii dhaawacmay oo kor u dhaafaya 400 oo qof. Qaar ka mid ah waxaa loo qaaday dibadda si loo soo daaweeyo.

“Waan iska guurguurtay, waxaan galay dhisme sii dumaya. Alle ayaa mahad leh, intaan ayaa isoo gaadhay,” ayuu sheegay Ciise oo 24 sano jir ah.

“Dhagaxii ayaa igu kor dhacay, jug baa i gaadhay oo gurigaa igu kor dumay,” ayuu yidhi Ciisa Xuseen oo weli yaalla cisbitaal.

Codkiisu waa daciif, waxaana ka muuqdo dhaawacyadii ka gaadhay gacmaha iyo lugaha

Markii la helayay, waxaa la arkay madaxiisa oo ka soo jeeda meel burburtay wuuna miyir daboolnaa. Kooxdii gurmadka ayaa soo saartay, oo ula carartay cisbitaalka.

Isla maalintaa waxaa la helay Meydad kale oo dheeraad ah oo dhismayaasha ay ku dumeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Ciise Xuseen wuxuu ahaa muruqmaal ka shaqeysta dhisidda guryaha iyo qaadidda dhagxaanta.

“Markii aan burburka hoos galay, gurigii wuu igu kor dumay, ka dib waxaan galay meel laba guri ay iska qabtaan,” ayuu yidhi Cise.

Wuxuu intaa ku daray; “madaxa iyo gacmaha baan ka baxsaday meel yar oo cidhiidhi ah, qaarka dambe ayuuna dhismaha iigaga fadhiistay, waana miyir daboolmay.”

“Dhinacyada oo dhan waan u jeedsan waayay meesha cidhiidhi ayey ahayd, dhismahana dhinacyada oo dhan ayuu igaga soo dumay,” ayuu u sheegay BBC-da, oo ku booqatay cisbitaalka lagu daweynayo.

muu ogeyn xilli meesha laga soo saaray, wuxuuna sheegay in uu soo toosay isagoo cisbitaalka yaalla.

Qarixii Soobe oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah waxaa lagu tilmaamay midkii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna sababay dhimasho aad u badan.

Meesha uu ka dhacay waxaa hadda ka bilowday dib u dhis lagu sameynayo waddada iyo dhismayaasha ku burburay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here