Laba Kacleyntii KULMIYE Oo La,Labaha Shidatay +Ex. Wasiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale Oo Shidhka U Galay Shoofeeradda KULMIYE Iyo Ex Wasiir Cali Waran Cadde U Quus Gooyey Quud-Darayntii WADDANI

0
1068

Wasiirradii ugu cuslaa cahdigii xukuumadii Daahir Riyaale oo ay ugu horeeyaan jamaahiirtii masraxa ka doobyi jiray ayaa ka dhex hilaacay xisbiga KULMIYE Ex Wasiir Cabdilaahi Dhoolayare Iyo Ex Wasiir Cali Waran Cadde oo ka mid ahaa masuuliyiintii somaray xukuumadihii xukunka dalka u kala dambeeyey ayaa maanta jiibta iyo jaanta isla helay waxaanay u xulufaysteen inay ka xabado ritaan xisbiga kulmiye kaas oo wer-wer iyo walaac siyaasadeed ku ridey xisbiga waddani oo quud-dareynayey inay mar-uun helaan rugcadaayadan ka dheeraadey ardaaga mucaaradka waxaanay sheegen si isku mid ah inay dhisayaan murrashaxa kulmiye Muuse Biixi Cabdi Labadan siyaasi ayaa Wax weyn ka badelay Moorada siyaasadeed ee dalka , siyaasi cabdilaahi maxamed dulcaale oo muddo ka nastay dhanka siyaasada iyo xisbiyada isla markaana ahaa odey Somaliland ah ayaa mawqifkiisa badka keenay halka waran cadde oo isagu muddo huursanaa uu isku kala bixiyey boorama kana badheedhay mad-madow ku jiray siyaasadiisa xisbiyada.

 Wasiirkii hore ee xukuumaddii UDUB ee Madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa markii ugu horraysay si farshaxannimo leh u sharraxay kartida iyo awoodda hoggaamineed ee murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Siyaasi Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo maanta ka hadlay madal ay taageerayaasha KULMIYE ee magaalada Boorama dhoolla-tusyo isu-soo-baxyo ah ku muujiyeen, ayaa sheegay inuu aqoon durugsan u leeyahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, isla markaana waqtiyo adag soo wada qaateen.

Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, waxa uu sheegay inuu murrashax Muuse Biixi yahay shakhsi la tijaabiyey waqti adag, isla markaana uu yahay waayo-arag xilkas ah, waxaannu yidhi, “Anigu Muuse Biixi waan garanayaa, waayo geed hoostii baanu wada seexanay oo dagaal baanu soo wadagalnay, hoggaannimadiisana waxaan ku qirayaa markii Balli-gubadle ay SNM-tu isugu tagtay ee nin waliba xukunkii u soo qooqay wuxuu ahaa shirguddoonkii shirkaas, maalintaasaanna anigu caddaaladdiisa ogaaday, ninkanina wuu soo gaadiiday, caalamkana askar badan baa soo xukuntay oo taasi maaha wax lagu wadahadlo.”

Siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Cabdilaahi Ducaale waxa uu bulshada farta ugu fiiqay in axsaabta mucaaradka ah qaarkood ay xagga dambe u fadhiyaan siyaasiyiin Somaliland in badan dagaal kula jiray, halka ay KULMIYE hormood u yihiin siyaasiyiin taariikhda Somaliland iyo halgankaba baal dahab ah kaga qorani, “Raggii lahaa Somaliland ma jirto ayaa ku dhex xuub-siibtay qaar kamid ah axsaabta qaranka oo xagga dambe u fadhiya, laakiin halkan (KULMIYE) waxaan ogahay rag ibnu xalaal ah oo aan qarannimada ku aamini karo, anigana qabyaalad iguma xamanaysaan oo Boorama ayaaba la ii tirin jiray,” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Guddoomiye Muuse Biixi iyo siyaasiyiinta kale ee la safani yihiin qaar dalka caddaalad u keeni kara, “Ninkaas (Muuse Biixi) iyo raggiisu caddaalad way keenayaane yaan wax shuruud ah lagu xidhin,” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here