Xasan-Xaydh Oo Si Adag Ugu Jawaabay Cabdiraxmaan Cirro, Kana Warramay Dareenka Waddaniyadeed Ee Muuse Biixi

0
887

Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-xaydh) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Odeyada miisaanka culus ee Xisbiga Kulmiye ayaa jawaab ka bixiyey eedo uu Guddoomiyaha xisbiga Waddani u jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Xasan-Xaydh oo shalay fagaaraha Garoonka Kubbada cagta ee Xawaadle kula hadlay dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Kulmiye iyo murrashaxiintiisa Doorashada Madaxtooyada la filayo inay dalka ka qabsoonto 13ka November 2017.

Xasan-Xaydh ayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee degmooyinka 26Juun iyo Koodbuur ee Caasimada Hargeysa ugu horreyn uga warramay shaqsiyada iyo dareenka waddaniyadeed ee Guddoomiyaha ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Muuse Biixi, waa Mujaahid halyeey ah oo usoo halgamay dalkiisa iyo dadkiisa, waana Nin aynaan ku hungoobayn, oo aynu ognahay inuu Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland daacad ka yahay, waana Nin guud ahaan ummaddu ay kalsooni ku qabto, sidaasi awgeed waxaan idin leeyahay codkiina siiya, oo u doorta Madaxweynaha dalka hoggaamin doona shanta sanno ee soo socda”.

Dhinaca kalena, Xasan-xaydh waxa uu jawaab ka bixiyey hadalo maalmihii u danbeeyey kasoo yeedhay Guddoomiyaha ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaanu yidhi “Hadalaadaasi waxay ahaayeen cay badheedh ah oo qaawan oo aanu qabanayn Muuse Biixi, intaana u dhaafi maayo”.

Xasan-xaydh, waxa kale oo uu si ba’an u dhaliilay Murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddani “Cabdiraxmaan Cirro ummaddu way ka dharagsantahay hoggaamintiisa oo waxa astaan u ah muddadii laba iyo tobanka sanadood aheyd ee uu hoggaaminayey Golaha Wakiilada iyo tirada Xeerarka uu golahaasi soo saaray, iyo waliba inuu hagraday muddadaasi inuu goluhu ansixiyo Xeerkii Caasimada”, waxaanu intaasi ku daray in Cabdiraxmaan Cirro uu hortaagnaa Xeerka Caasimada “Cirro, waxa uu sameeyey inuu Xeerka Caasimada ajande kasta uu ka dhigo qodobada u danbeeya, si nta aan la gaadhin uu kalfadhi kastaa u xidhmo, oo ayna Hargeysi yeelan xeer u gaar ah oo ah kii Caasimada, waxaana marrag ma doon ah in xeerkaasi uu ku jiray ajende kasta”.

Ugu dambayntii, Siyaasi Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan-Xaydh), uu guud ahaan bulshada Somaliland kula dardaarmay inay codkooda siiyaan murrashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye, sidaasi darteedna ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta amniga iyo jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasiyiin, Xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Hargeysa iyo masuuliyiinta Xisbiga kulmiye ayaa kula hadlay Garoonka Kubbada Cagta ee Xawaadle ee Magaalada Hargeysa Taageerayaal tiro badan oo kasoo kala jeeda Degmooyinka 26ka Juun iyo Koodbuur oo ku lebbisanaa calanka xisbiga KULMIYE, lulayeyna caleemo qoyan iyo sawirada Murrashaxiinta doorashada Madaxtooyada ee Jagooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ugu tartami doona Xisbiga Kulmiye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here