Xisbiga WADDANI Oo Iska Difaacay Eedaymo Uga Yimid Dhigiisa KULMIYE

0
973

Kaaliyaha Warbaahinta ee Musharaxa xisbiga Waddani, Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeshay Afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi oo sheegay in xisbiga Waddani uu ka duufsaday dhalinyaradii.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, waxa uu ku tilmaamay hadalka Afhayeenka Xisbiga Kulmiye ka soo yeedhay maalintii shalay inuu ahaa calaacal iyo col-hortii jabay, waxaanu intaasi ku daray in xisbiga Kulmiye uu eersado siyaasada guracan ee uu doonayo inuu ku ololeeyo, oo aanu canaanan waalida dhalinyarta masiirkoodii ka arkay xisbiga Waddani.

Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay magaalada Burco, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi  “Waxa aynu badhtanka kaga jirnaa ololihii doorashada Madaxtooyada Somaliland, Illaahay ayaa ku mahadsan intii inoo qabsoontay sida nabadgalyada ah inoogu qabtay, inta hadhayna Illaahay ayaynu ka baryeynaa inuu si nabadgalyo ah inoogu dhameeyo.

 xisbiga Waddani iyo Taageerayaashiisu waxay muujiyeen cududa iyo rabitaanka isbadal, way ku mahadsan yihiin isku soo baxyada dareenka iyo xusuusta reebay ee taageerayaasha xisbiga Waddani ka muujiyeen dhamaan gobolada dalka.

Xisbiga Kulmiye wuu ku fashilmay wareegyadii hore ee ololaha in kaadirkiisu si isku mid ah dhamaan gobolada dalka iskugu soo baxaan, waxaanay xooga saarayeen oo kaliya hadba gobolka uu joogo Murashax xisbiga Kulmiye, maalintii koowaad Hargeysa maalintii labaadna Burco ayay isugu yimaadeen halka maalintii sadexaadna ay cududooda ay isugu geeyeen magaalada Boorama. Si ka duwan sidaa xisbiga Waddani dhamaanba gobolada dalka si isku mid ah ayuu uga dabaal degay iyadoo masuuliyiinta ugu saraysa xisbiga Waddani ay gobol kasta ku sugnaayeen.

Shalay Murashaxa xisbiga Waddani Berbera ayuu ku sugnaa, waanaydun la socoteen sidii ay isku muujiyeen reer Saaxil ee ay cududooda taageero ugu muujiyeen xisbiga Waddani. Burco xaafadaha Magaalada iyo miyiga deegaamada gobolka Togdheer ayuu xisbiga Waddani xooga saaray, waxaana barbar socotay sadaqada danyarta iyo dadkii ay abaaruhu ka saareen xoolaha oo lacagtii ka soo kabashadooda xisbiga Kulmiye uu ku ololaynayo balse uu Waddani la dareen noqday. Halka Sanaag iyo Ceerigaabana samafalkii ugu weynaa uu xisbiga Waddani ka fuliyey.

Waxa hadaba xisbiga Waddani uu inyar ka odhanayaa hadalkii Afhayeenka xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi uu shalay ku dhawaaqay oo ahaa calaacal iyo col-hortii jabay, hadalkaas oo Afhayeenka xisbiga Kulmiye uu ku sheegay in dhalinyaradii laga kaxaystay isagoo canaan dusha uga tuuray waalidiinta taageera Kulmiye waa sida uu hadalka u dhigaye oo uu soo daliishaday xadiiskii Rasuulkeena CSW ee ahaa ‘Kulukum Masuul, Wa Masuul Can Raciyatihii’.

Dhalinyarada  Somaliland gaar ahaan dhalinyarada Burco, Caynaba, Gar’adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo way ku mahadsan yihiin inay codkooda iyo cududooda ay isla barbar taagaan xisbiga Waddani oo ah rajada kaliya ee shacabka iyo dhalinyarada Somaliland ay haystaan.

Afhayeenka Kulmiye ee dhalinyarada ku canaantay maxaad cuqdadii hore iyo kala qoqobkii Somaliland halkaa dhigay aad ugu dhaqmi weydeen?, Waxaanu leenahay dhalinyaradu wixii wanaagsan waalidkood way kaga dayanayaan, qabyaalada, Naca iyo Naxliganu waxa ay ka midka yihiina macsidaa ku raaci maayaan, waxaana ka reebay Illaahay. Waayo marka uu qofku qaangaadho Inan iyo Inanba sida diinteena ku cad 15jir ayuu masuul ku yahay, khalad iyo saxna loo raacayaa isagu wuxuu galo, sidoo kalena masuuliyadiisa ayay tahay inuu raaco wixii suuban ee uu sax u arko.

Murashaxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waa Madaxweynihii dhalinyarada wuu u dhibirsan yahay si dhaw oo dareen damqasho leh ayuu dhibta dhalinyarada haysata ee shaqo la’aantu kow ka tahay ee tayada waxbarashadu labada ka tahay ee Cadaalada iyo dhisida iyo samaynta mustaqbalkooda guur iyo u samaynta Aroos-wadareedyo jamaaci ah uu ugu xardhay buuga siyaasada xisbiga Waddani taas oo uu fulin doono hadii Illaahay ka dhigo marka uu talada dalka ku guulaysto.

Sidoo kalena doorka siyaasadeed ee dhalinyarada Somaliland boqolkiiba afartan ayay ka tahay siyaasada xisbiga Waddani, taasbaa keentay inay iska diidaan siyaasad aan ka turjumayn aayahooda dhalinyaradu oo la leeyahay laba beelood ayaa wada galay, markaa Kulmiye iyo Xasan Gaafaadhi yaanay waalida canaanane, ha eersadaan siyaasada xisbiga Kulmiye ee ololahooda ay seeska uga dhigeen Qabyaalada, Jeegaanta iyo heshiisyada ka fog-dimuqraadiyada oo ololahooda gundhig u ah, waananu ku mahadinaynaa dhalinyarada guud ahaan iyo gobolada barigaba inay taageeradooda u weeciyeen xisbiga Waddani, kana weeciyeen xisbiga Kulmiye.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here