Nin Muslim Ah Oo Maxkamadi U Xukuntay Inuu Guursaday Xaas Labaad, Isagoo Ka Fasax-qaadan Ooridiisa Hore

0
944

Maxkamad ku taalla dalka Pakistan, ayaa nin ku xukuntay lix bilood oo xadhig ah maaddaama oo uu xaas labaad guursaday isaga oo aan ogolaansho ka haysan Xaaskiisa hore.

Maxkamadda oo ku taal magaalada Lahore ayaa waxa ay ninkaa ka diiday dooddii uu isku difaacayey ee ahayd in diintiisu u ogoshahay in uu min yaraysto maaddaama oo uu Muslim yahay.

Hase yeeshee xaaskiisii hore ayaa ku dooday in ninkaasi aanu xaq u lahayn inuu gabadh kale guursado isaga oo aan ogolaansho qoraal ah iyada ka haysan, falkaa uu ku dhaqaaqaynaya ahaa mid xad-gudub ku ah xeerka Qoyska ee dalka u yaal.

Garsoorihii maxkamadda ayaa waxa kale oo uu ninkaa ku xukumay in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan laba kun oo Dollar.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Aadanaha ayaa xukunkaa ku tilmaamay mid lagu diirsado oo Ragga ka dabri doona godadlenimada, haweenkana ku dhiirigelin doona in ay maxkamadaha ka dalbadaan in ay xuquuqdooda u ilaaliyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here