Dekedda Boosaaso Oo Uu Ka Taagan Yahay Murankii Berbera Oo Kale & Mudaharaaddo Dad Ku Dhinteen Oo Shalay Ka Dhacay

0
616

Inta la hubo hal Qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday dibed-baxyo rabshada watay oo Shalay galinkii hore ka dhacay qaybo badan oo kamid ah magaalada ganacsiga Puntland ee Bosaaso.

Dibad-baxyadan ayaa ka dhashay sida la sheegay xidhnaanshaha Dekedda Magaalada oo muddo Toddobaad ah aan si caadi ah u shaqaynin iyo sara kac ku yimid Qiimaha Raashinka.

Ciidanka amniga magaalada Bosaaso ayaa rasaas ku kala eryay diba-baxayaasha oo xidhay inta badan waddooyinka muhiimka u ah isku socodka magaalada, waxaana gabi-ahaan-ba la xidhay goobaha ganacsiga ee magaalada.

Waddooyinka xidhmay waxaa kamid ah Wadada Dheer ee xidhiidhisa Isgoyska Suuqa Caanaha, Xarunta Dowladda Hoose Ilaa Waddada Dheer ee gasha Dekedda oo ka timaadda Garoonka Diyaaradaha, isla-markaana soo hormarta Saldhigga badhtamaha.

“Halkan waxaan isugu soo baxnay inaan cabirno dareenkayaga ku aaddan Sicirka ku kordhay maciishadda iyo waliba xidhnaanshaha Dekadda” ayey tidhi Ayaan Cali oo kamid ah danyarta ku xidhan Dekedda.

Dhinaca kale, odayaal iyo ganacsato ku  shiray magaalada Bosaaso ayaa sheegay in shirkadda DP World ay mas’uul ka tahay mushkiladda taagan, waxaana ay dowladda ugu baaqeen in dib loogu laabto go’aankii Dekedda lagu wareejiyay.

Ugu danbayn, Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa beeniyay wararka sheegaya in canshuur lagu kordhiyay badeecadaha ka soo dagaya Bosaaso, waxaana uu rabshadahan ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan dad ganacsato ah oo dano kale u adeegaya.

Cabashada ka taagan Dekedda Boosaaso, ayaa la mid ah Mid bilihii u dambeeyay ka taagnayd Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland, oo dabcan ay Maalgelin ku samaynayso Shirkadda Carbeed ee DP World.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here