“Dhallinyarada Waxaan Leeyahay Yaynaan Noqonin Abaal-Laaweyaal Gudi Kari Waaya Wixii KULMIYE Gashaday..” Axmed M. Shaqalle

0
929

– Axmed Maxamed Shaqalle oo la Taliyaha Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa isbarbar-dhigay Waxqabadka Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Waxqabadka Xukuumadda KULMIYE ee ku aaddan Dhallinyarada.

Shaqalle oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Xukuumadda KULMIYE ka hor ay adkayd in la arko Nin Dhallinyaro ah oo Magaalo Maayar la ah ama Agaasime Guud ka ah Wasaarad oo Golaha Xukuumadda ku jira, laakiin oo uu KULMIYE talada Dalka hayo ay Dhallinyaradu si weyn uga dhex muuqdaan Talada Dalka.

Axmed Maxamed Shaqalle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, marka Xagga dhallinyarada laga hadlo waxay ku kala duwan yihiin Arrimo aad u muhiim ah, Xukuumadda KULMIYE ka hor Dhallinyaradu kamay mid noqon jirin masuuliyiinta haya Talada Dalka. Sannadkii 2010-kii markii KULMIYE lahaa I doorta Dhallinyaradaan talada ka qayb-gelinayaaye, waxaanu u haysanay waxaan suurto-galayn, laakiin way rumowday oo wixii aanu filaynay wax boqol laabkeed ah ayaanu aragnay, hadalkaasi maaha faan ama guul-wadayn, laakiin haddaan Tusaale soo qaato, Xukuumadda KULMIYE ka hor maad arkayn Masuul Dhallinyaro ah inaad Golaha Xukuumadda ku aragto, maad arkayn Nin Dhalinyaro ah oo Maayar ka ah Magaalo ay ku nool Dad Milyan ka badan. Maad arki jirin Dhallinyaro ku hamiyaya inay Dalkooda wax u qabtaan, maad arki jirin Dhalinyaro afkaar soo kordhinaysa Xukuumadda KULMIYE ka hor.”

Mr. Shaqalle waxa kale oo uu sheegay  “Markaa 7-daa Sannadood wuxuu KULMIYE u qabtay Dhallinyarada waa Cadceed aan Sacabka lagu qarin Karin. Boorama oo kale waxa ka dhisan intaa soo garoon oo la dhigay Roogga Cagaaran, Gabiley, Hargeysa iyo Magaalooyinka kalena waa la mid, markaa Dhallinyarada Somaliland waxaan leeyahay yaynaan noqonin Abaal-laaweyaal gudi kari waaya Abaalkii uu KULMIYE gashaday..” ayuu yidhi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here