Golaha Guurtida Oo Wufuud Wacyigalin Iyo Xaqiiqo Raadin Ah U Kala Diray Gobollada Galbeedka Iyo Berriga Dalka

0
1151

Golaha Guurtida JSL ayaa laba wefti u kala diray gobollada dalka, si muddada ololaha doorashada ka hadhay ay dadweynaha ugu wacyigaliyaan ilaalinta nabadgelyada iyo waliba inay goob joog u ahaadaan siday doorashadu dalka uga qabsoonto.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL, Md Saleebaan Maxamuud Aadan oo shirguddoominayey fadhigii golaha ee shalay ayaa ka warramay ujeedada laba wefti oo Golaha Guurtidu u kala dirayo gobollada Galbeedka iyo berriga dalka, waxaanu yidhi “Goluhu, laba wefti oo ka kala kooban min sideed xubnood oo guurti ah ayuu goluhu u kala dirayaa gobollada Galbeedka iyo Beriga Dalka Somaliland, kuwaasoo qaadan doona muddo toban cisho ah”, Guddoomiyuhu waxa kale oo uu tilmaamay hawlqabadka labadan “Labadan wefti waxay muddadaasi ku qaadan doonaan toddoba cisho oo wacyigalin dadweynaha ah iyo 3 cisho oo ay joogi doonaan goobta xarunta degmo ee doorashada oo noqonaysa maalinta doorashada ka horreysa, maalinta doorashada, iyo waliba maalinta la tirada cododka la naashnaashayo, Ilaahay haku guuleeyo’e”.

Intaasi kadibna, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaasha u akhriyey liiska magacyada labada wefti, waxaanu yidhi “Wefti kasta waxa uu tegi doonaa saddex gobol, waana inuu dadweynaha ku wacyigaliyaa nabada si doorashadu si nabada inoogu dhacdo”, waxaanu intaasi ku daray liiska magacyada labada wefti ee u kala baxaya gobollada Galbeedka iyo berriga dalka oo kala ah sidan  “Xubnaha weftiga Guurtida ee gobollada beri u baxayaa oo tiradoodu tahay sideed xildhibaan waxay kala yihiin sidan, 1. Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, 2. Xildhibaan Axmed-Nuur Aw-Cali Aadan, 3. Xildhibaan Cabdiraxmaan Qawdhan, 4. Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac, 5. Xildhibaan Jirde Siciid, 6. Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Ciise, 7. Xildhibaan Maxamed Shire Faarax, 8. Xildhibaan Maxamed Wali Warsame”.

Sidoo kale “Xubnaha weftiga Guurtida ee gobollada Galbeedka u baxayaa waxay kala yihiin sidan, 1.Xildhibaan Diini Cabdillaahi Xirsi, 2.Xildhibaan Maxamed Maxamuud Diiriye, 3.Xildhibaan Cawil Cismaan, 4. Xildhibaan Saleebaan Garas, 5.Xildhibaan Axmed Muumin, 6.Xildhibaan Cabdixakiim Cumar, 7.Xildhibaan Cumar Nuur Waceys, 8.Xildhibaan Siciid X Xuseen Yuusuf”.

Ugu dambayntiina, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa uu labadan wefti ee golaha Guurtida iyo guud ahaan bulshada waxa uu kula dardaarmay ilaalinta Nabadgelyada “Waqti doorasho ayeynu ku jirnaa, waa inay dadweynuhu gacan buuxda bixiyaan oo ay nabada ilaaliyaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here