Mujaahid Maxamed Kaahin Maskaxdii Xadhig-Xidhay Mooradii Guusha KULMIYE Dhalisay

0
862

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye maskaxdii iyo mishiinkii dhaqaajinayey guushii xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer wuxuuna hadh iyo habeen heegan ugu jiray sidii uu u xaqiijin lahaa himilada guusha murrashaxa kulmiye muuse biixi cabdi kaas oo geed- gaaban iyo midh dheerba u fuulay inuu soo hooyo guusha madaxtooyada kulmiye oo mar kale ku soo laabta hogaanka dalka iyo sidii Murrashaxii kulmiye muuse biixi cabdi u noqon lahaa hogaamiyaha qaranka ee badelidoona madaxweyne siilaanyo waxaana shaqadii uu dhexda u xidhay mujaahid Maxamed Kaahin lagu fasiray inuu ahaa mishiinkii dhaqaajinayey guushii kulmiye ka soo hooyey togdheer isagoona xeelado badan ku jabiyey xulufadii mucaaradka ee ka soo horjeeday kaas oo shax-dhigay qorshayaal badan oo dhabar jabiyey labadii xisbi mucaarid ee loolanka adagi dhex maray, loolankaas oo ahaa mid culus oo aan waxba layskula hadhin mid walibana awoodiisa soo bandhigayey taas oo u arkayey inay tahay midka kaliya ee xisbi waliba is bidayey inuu ku guulaysan karro kuna muquurin karo culayska xisbiyada ka soo horjeeda wuxuuna mid waliba dhankiisa badka keenay ragg uu bidayey inay wax usoo dhicin karaan kana celin karaan weedhaha lagu durayo xisbigooda, haddaba maxamed kaahin ayaa ahaa rugcadaa siyaasadeed oo biyo culusta u fadhiyey xisbiga kulmiye isla markaana weedho aaney xamil u lahayn xisbiyada mucaaradku ku ganayey liishaankiisuna ahaa mid adhaxda ka jabinayey xisbiga uu ku gano, xamilka luuqada mujaahid maxamed kaahin waxay ahayd mid dhif iyo naadira isla markaana ay adag tahay in loo ba,bac dhigaa xisbiyaduna malahayn tugcadaayo sidiisa u taariikhaysan oo bulshada Somaliland gaar ahaana codbixiyayaasha codka laga doonayo u soo bandhiga khudbad ay quluubtooda ku hanan karaan sigagoo diirada saarayey kolba buda ay u buugto laaxiyada codka lagu kasban karro wuxuna noqdey ka suntane mooradii doorashada guul ka soo hooyey oo kusun tan guusha qasriga gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here