Madaxweynaha La Doortay Oo Galka Seefta Ka Saaray Iyo Rajo Qabayaal Quud-dareynayey Inuu Xilal U Magacaabo Oo Candhuuftoodii Dib U Liqay

0
828

Murrashaxa la doortay Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay galka seefta ka saaray wuxuuna ka hadlay xukuumada cusub ee uu soo dhisayo taas oo noqonaysa mid wanaagsan oo sharcigu shaqeeyo waasida uu ugu bushaareeyey bulshada Somaliland iyo habweynta xisbiga kulmiye in barnaamijkii lagu soo doortay ee haa sareynta sharciga iyo tayeynta dawladnimada loodaayo isla markaana dad badan oo wax filayey ama jeclaa shaqsiyaad ay tuurta ku sitaan inay ka muuqato tareenka xukuumadda cusub ee uu dhaqaajin doono haddii ay iska waayaan inaaney du,din oo aaney niyad jabin, madaxweynaha la doortay wuxuuna sheegay waxyaabo badan oo haddii ay dhacaan aanu ku socon karrin

 “Waxa aad ii doorateen ra’yigaaga ku soco oo meel hagaagsan na gee, laakiin qaadan karimaayo waan ku doortaye taladayda yeel, imisaan taladooda yeelaa? Waxa kale oo aan qurba-joogga iyo kuwa gudahaba ka codsanayaa colool-adaygu waa waxa lagula ag joogo, dadka ku ag joogaa haddii ay ku yidhaahdaan sax baad tahaye arrintaas ku soco waad soconaysaa, laakiin  haddii intii aad isku xisbiga ahaydeen ee aad isku mabda’a ahaydeen midba habeen kuu soo duso oo uu gacanta ku yara qabto bani’aadam uun baad tahay, taasna ku socon karimaayo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo Madaxweynaha cusub uu sheegay in lagu taageero go’aamada uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub ee la filayo inuu dhawaan soo dhiso, isla markaana lagu samro qallinkiisa, laguna wada qanco fulinta wixii loo wada halgamay oo ahayd sarraynta sharciga, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wixii aynu ku heshiinay ee ahayd sharcigu ha sarreeyo, go’aan halla qaato oo dawladda halla wanaajiyo in aynu ka wada midownaa wanaagsan, toddobaadyada soo socdana waa markii dawladda la magacaabayaye ninkii sida uu doonayo waayow waxba ha niyad-jabin, qof baa kula wanaagsan oo aad is leedahay wax walba wuu qabanayaaye mid aanad ka filaynin haddii ay gacantu igaga dhacdo kulamaan aqoon oo adiga ma ihiye ha ila yaabin wax hagaaji uun is leeyahaye.” Dhawaaqa madaxweynaha ka dib waxaa candhuuftoodii dib u liqay ragg badan oo naawilayey in xilal lagu taxo hadalka madaxweynaha dhaartu u hadhsan tahay ayaa ahaa mid laaxiyadu mataaneysay barnaamij siyaasadeedkii lagu doortay iyo hadalka maanta ka badheedhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here