Shirkadda Dahabshiil oo maal-gelisay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cisbitaalka MADIINA

0
825

Shirkada Dahabshiil Group ayaa Qalabeyn iyo Dhisme u Sameysay Qaybta Baxnaanada Bukaanka ee Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Mashruucan waxa xadhiga ka jaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabat Cabdi Maxamed iyo masuuliyiin ka socday Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil

Waxana Ugu Horeyn Ka Hadlay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf oo ugu horayn ka hadlay munaasibada xadhig ka jarista ayaa u mahad Celiyey Shirkada Dahabshiil Group waxanu sheegay inay baahi weyn u qabeen dhismaha iyo qalabeynta ay Shirkada Dahabshiil ka hir-gelisay Cusbitalka.

“qaybtan waxa noo sameysay oo noogu deeqay Shirkada Dahabshiil qaybtani waxanay hore u marinaysa daryeelka caafimaad oo  aanu siino bukaaanada waxaanay ka mid tahay qaybo is daba joog ah oo soo socda, marka guddoommiye waxa aanu u mahad celinaynaa adiga Iyo Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil Group” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr. Maxamed.

Xasan Cabdi Cawad Maamulaha Guud ee Shirkada Dahabshiil Group ee Konfurta Iyo Bartamaha Somaaliya ayaa sheegay inay Shirkadoodu diyaar u tahay inay markasta daboosho baahiyaha ay qaban bulshadu.

Maamulaha ayaa intaa ku daray inay qaybta baxnaanada ee cusbitaalka madiina ay iyagu qacan weyn ka geystaan dhisme ahaan iyo qalabeynteedaba, isagoo sheegay inay hada bilaabayeen dhismaha keydka Dhiiga.

“waxanu maanta ku wareejinayna Cusbitaalka qaybtii xanaannada oo sariirihii iyo qalabkiiba aad aragtaan oo wixii ay u baahnayd loo dhamystiray waxana ka go’an shirkada Dahabshiil inay meelaha umada baahidoodo ay u jilicsantahay inay taageerto” ayuu yidhi Mr Cawad.

Masuuliyiin munaasibadaas ka hadlay oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa aad ugu mahad-celiyey Shirkadda Dahabshiil, iyagoo ku amaanay kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto horumarinta dalka iyo Dadka.

Shirkadda Waddaniga ah Dahabshiil, ayaa waxa caado u ah inay Ganacsigeeda oo ku baahsan guud ahaan Bariga Afrika, ay barbar wado mashaariic ay kaga qayb-qaadato horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Deegaamada ay ka shaqayso, gaar ahaan Dhulka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here