Dareenka Xisbiyada Qaranka Ee Natiijada Rasmiga Ah Ee Doorashadii Madaxtooyada Ee Maxkamadda Sare Ku Dhawaaqday

0
814

Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa si toos ah u ayiday go’aankii Maxkamadda sare ee Dastuuriga ahi ku dhawaaqday ee ahaa natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13kii bishan noofambar ee 2017, isla markaana ay cododkii ugu badnaa ku guuleysteen murrashaxiintii Xisbiga Kulmiye.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Md Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa ugu horreyn ka warramay dareenka xisbiga Kulmiye ee ku aadan Natiijada rasmiga ah ee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee ay ku dhawaaqday  Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, waxaanu yidhi “Waxaanu u aragnaa ku dhawaaqida Maxkamadda sare inay tahay dhameystirka sharciyadii doorashada, ku dhawaaqistii guddiga doorashooyinkuna waxay aheyd ku meel gaadh, balse haatan ayey sharciyadu dhameystir tahay, markaa waxaan u arkaa Guul Somaliland ah, ILAAHAY waxaan ka rejaynayaa in doorashooyinka danbena ummadda Somaliland sidaa si la mid ah ugu guuleysato, haddii ay tahay galisteeda iyo natiijo soo saaristeeda, markaa dareenkaygu waa mid farxadeed, iyo tallaabo horumar leh”.

Sidoo kalena, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Md Yuusuf Keyse ayaa isna ka hadlaya sida uu arko go’aanka ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah, waxaanu yidhi “Waynu sugaynay markii guddiga doorashooyinka Qaranku u gudbiyeen natiijadii hordhaca aheyd ee doorashadii madaxtooyada Somaliland

Maxkamadda sare inay waajibkeeda ka gudato, sidaasi awgeed haddii aanay wax cabasho ah aanay u gudbinin Xisbiyadu, way ansixinaysaa Maxkamadda sare, markaa sidaasi ayey ku ansixisay, Xisbi ahaana annagu wax cabasho ah umaanu gudbin, waananu taageersanahay qaraarka Maxkamadda sare, waxaana inoo hadhay dhaarintii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka la doortay ee ku guuleystay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ka qabsoontay 13kii bishan Noofambar ee 2017”.

Dhinaca kalena, Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo qaar ka mid ah Wargeyska Himilo uu khadka taleefanka kula xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo dareenka ay ka qaateen go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ee ku saabsan natiijada rasmiga ah ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay 13kii bishan Noofambar ee 2017, Nasiib darro masuuliyiintaasi ayaa intooda badan aanay qaban taleefanadoodii gacanta ee aanu wacnay, halka qaarkoodna ay xidhnaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here