Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Warar Sheegay Inuu Istaagay Suuq Dhismihiisu ka Socday Magaalada Burco

0
1104

Badhasaabka Gobolka Togdheer, ayaa beeniyey inuu isaagay dhisme Ganacsi oo laga dhisayo Laynka Booliiska ee Magaalada Burco, kaasi oo ay Maalgeshanayaan Ganacsato.

Warbaahinta ayaa Doraad baahisay inuu Gabi ahaanba istaagay dhismeyaashaasi oo laga dhigayo Suuq Casriya, laakiin Badhasaabka Gobolka Togdheer oo Shalay u warramay Warbaahinta ayaa isaga oo Warkaa hore daba socda wuxuu sheegay in aanu istaagin dhismaha Suuqaasi oo uu sheegay inay Ganacsato Maalgashanayso “Dhismayaashaa Dad Muwaadiniin ah ayaa Hantidoodii ku Maalgashanaya, iyagoo sifo Sharciya u maraya, sidaa darteed War aan naga soo bixin (Maamul ahaan) oo aan rasmi ahayn in laga siidaayo Warbaahinta waa khalad.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray  “Dhismahaasi sifihii loogu Talo-galay ayuu u socdaa.”

Goobta laga dhisayo Suuqan uu dhismihiisa difaacayo Badhasaabka Gobolka Togdheer, ayaa ah Laynkii Booliiska ee Hore ee Magaalada Burco, waxaana Dawladdu ugu talo-gashay in laga dhiso Dhisme ka kooban tobanaan qol, si looga dhigo Suuq ay Dawladdu Gacanta ku hayso Maamulkiisa, laakiin sida la sheegay markii dambe ayaa lagu wareejiyey Muwaadiniinta uu Badhasaabku sheegayo inay Hantidooda ku Maalgeshanayaan.

Dhulkan ayaa markii dhismihiisa la bilaabay waxa ka dhashay buuq, iyadoo Wasiirka Hawlaha Guud ee Xukuumadda Wakhtigeedu dhammaaday Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) loogu jeediyey eedaymo, wallow markii dambe Xaaladdu degtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here